madaxweyne Farmaajo ama qof kaleba, waa inuu dalka mideeyo

0
475

Shirka Iskaashiga Soomaaliya ee maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho waxaa ka hadlay madax kala duwan oo ay ka mid ahaayeen safiiro iyo wakiillo metelayay dalal iyo hay’ado caalami ah.

Waxa ugu badan ee diiradda la saaray waxaa ka mid ahaa doorashada iyo amniga. Waxaana aad carabka loogu adkeeyay in khilaafka cusub ee la xiriira doorashada uu sababi karo dib u dhac.

Safiirka UK u fadhiya Muqdisho, Ben Fender, oo ka mid ahaa dadkii ku sugnaa xarunta uu shirka ka dhacay ayaa yiri: “Dal si uu sare ugu soo kaco, una noqdo mid barwaaqa ah oo madaxbannaani ku leh caalamka, waa in uu jiraa heshiis bulsho”.

Wuxuu u muuqday in uu ka hadlayay khilaafaadka soo noqnoqday ee ka jira Soomaaliya, ee qaarkood ay la xiriiraan arrimaha doorashada.

Wuxuu yiri: “Dadka waa in ay aqbalaan in ay ka tanaasulaan waxyar oo ka mid ah waxyaabaha iyaga keliya danta u ah; in ay aqbalaan shuruucda, dastuurka, iyagoo u daneynaya dadka kale oo dhan.”

Wuxuu tilmaamay in arrimahaas uu horey uga akhriyay buug ka hadlayay dhibaatada qalalaasaha. Balse “horey uma fahmin illaa aan ka imaaday Soomaaliya,” ayuu sheegay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here