Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo oo Kulan la qaatay Murashaxiinta Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Awdal.

0
294

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo oo Kulan la qaatay Murashaxiinta Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Awdal.

Madaxweyne-Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxman Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo ay xubno ka yihiin Wasiirka Ganacsiga, ahna Guddoomiye-ku-xigeenka 4aad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), Wasiirka Gaashandhiga Md. Cabdiqani Cateeye Fariid. Wasiirka Caafimaadka Md. Cumar Cabdilaahi Bade, Wasiirka Beeraha AMd. Axmed Muumin Seed iyo Afhayeenka xisbiga KULMIYE Md. Cabdinaasir Muxumad Xasan Buuni, ayaa magaalada Boorama kulan ballaadhan kula qaatay musharaxiinta Golaha Wakiilada Gobolka Awdal iyo Deegaanka Degmada Boorama xalay.

Kulanka oo ujeeddadiisu ahayd sidii xisbiga iyo musharaciintiisuba u dardardelin lahaayeen hawlaha u diyaargarowga doorashada is-barkan ee muddaysan bishan May 31keeda, isla markaana looga wada tashan lahaa sida ugu wanaagsan ee ololaha doorashada loo galayo.

Madaxweyne-ku-xigeenka iyo madaxda kale ee wehelinaysay waxay talooyin iyo dardaaranba siiyeen musharaxiinta u taagan doorashada, iyagoo u hogo-tusaaleeyey waajibaadka iyaga saaran iyo taageerada xisbiga iyo xukuumaddiisuba ay la barbartaagan yihiin si ay ugu guulaystaan hankoooda, sidoo kalena xisbigu u hoggaamiyo guusha doorashada ee inta badan gobollada iyo deegaamada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here