Ceelgardi News
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Shir Gudoomiyey Maanta Shirka Saddex Biloodlaha Ah Ee Maamul Daadejinta Dawladaha Hoose
October 29, 2019 - Written by admin

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Shir Gudoomiyey Maanta Shirka Saddex Biloodlaha Ah Ee Maamul Daadejinta Dawladaha Hoose (Jplg)

Hargeysa-29-10-2019-()-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta gudoomiyey Shirka guddida golaha wasiirada ee maamul daadejinta (IMC Meeting) shirkaas oo seddexdii biloodba hal mar qabsooma ujeedadiisuna la xidhiidho sidii warbiximo loogu kala qaadan lahaa waxyaabihii qabsoomay mudadaasi.

Sidoo kale waxa lagaga hadlay balaadhinta mashruuca dawladaha hoose ee gobolada bariga iyo hirgelinta mashruuca JPLG oo bilaami doona horaanta bisha 11aad iyadoo la gaadhsiin doono degmooyinka Ceerigaabo, laascaanood iyo caynaba.

Ugu danbayntiina waxa lagu lafo-guray kulankaasi mashaariicda horumarineed ee sannadkan ugu jira degmooyinkii uu mashruucani hore uga hirgalay iyo qorsheyaasha cusub.

Wa-bilaahi Tawfiiq

COMMENTS
Latest News