MADAXWEYNE SIILAANYO OO LA FILAYO INUU 24- KA SAACADOOD EE SOO SOCDA UMADDA LA HADLO IYO ARRIMAHA HORYAALLA

0
285

Hargaysa (Ceelgardinews.com) Warar hoose oo uu helayo Ceelgardinews.com ayaa sheegaya inuu madaxweynuhu talooyin badan urursaday, isla-markaana ku gudo jiro diyaarinta khudbaddii uu ku caddaynayey mawqifkiisa la xidhiidha qabsoomidda doorashooyinka madaxtinimada ee qorshaysan 28-ka bisha March ee sadanka 2017-ka oo axsaabta mucaaridku dib uga fadhiisteen, balse isaga iyo xisbigiisa KULMIYE-ba dedaal ugu jiraan inaanay dib udhicin.

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa la filayaa inuu khudbaddiisa ku caddeeyo sida aanu xiisaha ugu qabin in markiisii labaad loo kordhiyo, isla-markaana ay isaga iyo xukuumaddiisaba ka go’an tahay inuu doorashada maalinteeda ku qabto, isla-markaana uu hirgelin doono gurmad ballaadhan oo bulshada abaartu taabatay loogu gargaarayo.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisan kula hadli doona beesha caalamka, axsaabta qaranka iyo weliba bulshada reer Somaliland, waxana ku caddayn doonaa inuu dalka doorasho aan muddo-dhaafin ka qaban doono, sida wararku sheegayaan.

Hadalka madaxweynaha, ayaa lagu wadaa inuu soo afmeero diidmada mucaaridka ee qabashada doorashada la xidhiidha, waxana go’aanka uu qaataa baal dahab ah kaga qormi doonaa taariikhdiisa dambe ee ka hadhi doonta.

 

Xigasho   wargeyska Hubaal,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here