Malcaamad Ardayda Loox Quraanka loogu Dhigo oo Bulshadda Gaar-gaar uga Baahan

0
313

 

Malcaamad Ardayda Loox Quraanka loogu Dhigo oo Bulshadda Gaar-gaar uga Baahan

Hargeysa — Macalin Cabdillaahi Yuusuf Xuseen, waxaa uu heystaa malcaamad lagu barto Quraanka Kariimka ah oo ku taala dhica jihadda waqooyi ee xaafadda Istaad House ee magaaladda.

Malcaamaddan waxaa ay kaga duwan tahay goobaha Quraanka lagu barto ee magaalada Hargeysa, iyadda waxaa ardayda wax loogu dhiga Loox, markii hore waxaa ay aheyd geed hoostii laakiin hadda waxaa ay ku jiraan Jiingad yar oo dayac fara badani ka muuqdo, markaad gasho waxaa u horreeya ee ay indhahaagu qabanayaan waa kuraasta ardaydu ku fadhiyaan oo aan fiicneyn, meesha oo wada boodh ah oo aan sibidh laydh, iyo halka ay saarayihiin Kutubta Quraanka Kariimka ah oo saaraan meel aan wanaagsaneyn una baahan in la helo goob lagu dayactiro, iyo waliba Jiingadda ay ku jiraan oo ah mid gaaban.

Macalin Cabdillaahi waxaa uu cidkasta oo wax kala qaban karta baahida ay malcaamaddu qabto ugu baaqay inay ka taageerto, loona baahan yahay in laga sibidheeyo jiingadda, korna looga qaado, islamarkaana lagaga xidho kuleylka cadceeda Siliig.

Macalin Cabdillaahi Yuusuf Xuseen oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi. “Waxay fadhiyaan meeshaa wada boodhka ah iyo bannaanka ah, Sibidh ayay u baahan tahan tahay, Siliigii Jiingadda lagu xidhayay ayay u baahan tahay, waxaa loo baahan yahay Jiingadda in kor looga qaado, xiliyadda maalintii ee cadceeda oo kale wey ku kulushahay waxaanu u baannahay in ciddi wax la baxaysa inay gacan naga siiso baahiyaha malcaamadani ay tabeyso.

Carruurta qaar ayaa gaadhay in Kitaabka Quraanka Karriimka ah looga mariyo halka ay marayaan, marka waxaa loo baahan yahay miisas iyo meelo lagu dayactiro oo la dhigo si dhaska iyo boodhka looga illaaliyo, marka ciddii wanaag iyo ixsaan dooooeysa haku darsato ayaan leeyahay, waxaa dadkii meesha lahaa iyo dawladda hooseba ay na siiyeen waraaqo noo ogolaanaya in ciddii wax u qabaneysa ee dhisaysa ay wax nala qabato marka bulshada Somaliland waxaa aan ka codsaneynaa in ay wax nala qabtaan ciddii wax nala qaban kareysaa”an

Khadar Horyaal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here