Maraykanka oo Abiy Axmed ku wargaliyay inuu si degdeg ah waqooyiga Itoobiya uga saaro ciidamada Amxaarada iyo kuwa Ertirea

0
220
whatsapp sharing button
email sharing buttonXoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Antony J. Blinken oo maanta la hadlay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaa carabka ku adkeeyay baahida loo qabo  xabad joojin deg deg ah, oo ka dhaqan gasha waqooyiga Itoobiya.

Xoghaye Antony J. Blinken ayaa ku booriyay Raysal wasaare Abiy inuu u hogaansamo go’aamadii kasoo baxay shirkii Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ee dhacay labadii Luuliyo ee sanadkaan.

Go’amadaas waxaa kamid ah, in gebi ahaanba ciidamadii Ereteriya iyo Amxaarada laga saaro Tigray in aan laga hor istaagin helitaanka gargaarka bani’aadamnimada ee dadka u baahan iyo dejinta hannaan lagula xisaabtamo kuwa mas’uulka ka ah xadgudubyada  xuquuqda aadanaha.

Intaas waxaa sii dheer, Xoghayuhu wuxuu carabka ku adkeeyay sida degdegga ah loo qabanayo wadahadal siyaasadeed oo loo dhan yahay si loo bilaabo howsha adag ee loo marayo sameynta xal waara oo loogu talagalay kala qeybsanaanta siyaasadeed ee dalka.

Gobolka waqoooyiga Itoobiya ee colaaduhu ragaadiyeen ee Tigray, ayaa dhawaan magaalo madaxdiisa mekele, waxaa si buuxda ula wareegay jamhadda TPLF, kadib markii ciidamada Itoobiya ay halkaas isaga baxeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here