Mareeyaha Dekeda Axmed Yusuf Dirir Xilkii Mareeye Nimo Ku Wareejiyay Maamulkii Shirkada DPW Soo Magacabeen

0
338

ayaa waxa ay heshay Sawiro muujinaya qaabkii saaka loogu wareejiyay Maamulka Dekeda Berbera Masuuliyiinta ka socday shirkada DP World oo aan haba yaraatee loo ogolayn cid ka socota warbaahinta Dawlada iyo ta Madax banaan toona oo ka qeyb gasha islamarkaana qaab hoose oo kalahaada loo wareejiyay

 

Haddaba Waxa shanakada wararka ee usuurta gashay inay hesho sawir muuqaal ah oo muujinaya Mareyaha Dekeda Berbera Axmed Yuusuf Dirir Oo Xafiiskii Maareynta Dekeda Berbera ku wareejinaaya nin magaciisa Lagu sheegay Ibraahiim E. Hammada  oo la sheegay inay dhalashadiisu tahay Masar oo noqon doona Mareyaha Dekeda Berbera ee shirkada DP World kaas oo sida sawirkiisa Ka muuqta ku labisnaa Khamiis Iyo Cigaal oo ah dharka astaanta u ah  Umadaha Carbeed.

Waxa kaloo iyaguna Sawiradaas ka muuqda Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed iyo shaqaale isugu jira Chinese, Hindi iyo Carab kuwaas oo kamida noqon doona Madaxda Dekeda Berbera sida Waaxda Madax shaqaalaha . Maaliya Iyo operationka oo ah waaxda kala socod siisa Hawlaha Dekeda Berbera.

Maareyaha Dekeda Berbera Axmed Yuusufd Dirir Iyo Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed oo aanu  la xidhiidhnay si aanu wax uga weydiino Qaabka Maanta Dekeda Berbera shirkada DP World loogu wareejiyay ayaa noo xaqiijiyay in Maamulkii Dekeda Berbera shirkadii laga kireeyay ama Maalgashanaysay lagu wareejiyay sidoo kalena la bedelay Waraaqihii(Document)hawalaha Dekeda lagu kala wadi jiray ee magaca dawlada Somaliland kutaalay laguna Bedelay kuwo kaloo ay ku xardhantahay Magaca shirkada DP World.

Maarayaha maanta Xafiiska wareejiyay Axmed Yuusuf Dirir ayaa kasii mid ahaan doona shaqaalaha Dekeda isaga oo maamuli doona Waaxda loo yaqaano Faraca Bada ee kala hagida Maraakiibta iyo sidoo kale Lacagta Maraakiibta iyo doonyaha laga qaado ee Board Chargeska taas oo Dawlada Somaliland qaadi doonto oo gacanteeda ku hadhi doonta Lacagtaas oo lagu qaado inta Mitir ee Markabka dhererkiisu yahay ee Bada uu kula Jiro sidoo kale Waxa uu Maamuli doonaa shaqaale kooban oo ku hadhi doona Waaxdaas Faraca Bada(Trafic Sea

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Sawirada Maamulkii Xafiiska Maareynta Dekeda Berbera Oo Maareyaha Shirkada DP World Soo Diratay Lagu Wareejinayo