Markaan maqlay Md Muuse waa musharax waxa igu soo dhacday”

0
323

 

Markaan maqlay Md Muuse waa musharax waxa igu soo dhacday”

sheekadan Beri ayaa nin reer miyi ah ayaa waxa uu soo raacay Baabuur waxana uu fuulay Baabuurka dushiisii sare Foodiyobagaaraha sidoo kale waxa Gaadhiga dushiisa la saaran Wiilkii Baabuurka la socday ee saqeeyaha ahaa amma kirishboyga hadba sidaa u taqaaniin waa goor Arooryo ah amma Subaxa hore ah oo dhaxan qabaw oo juube ahi dhacayso
markii xoogaa safarkii lagu jiray ayaa Ninkii Reer Baadiyaha ahaa ayaa waxa uu arkay Teneg Subaga oo Gaadhiga Saaraa oo intuu dhinac u jiifsaday qubanaaya dabeedna kirishboygii oo halkan dhaxan isla buuraya ayuu ku yidhi Waar kirishboy waar Subaga Qabo waaka qubtaye Kirishboygiina mid bilaa af xun buu haayoo wuxuu ugu waar naga taga waxaba qaban maynee intuu weliba Diinta wax ka sheegay subxaanallah
Ninkii Odayga Ahaa ayaa intuu Naxay ayuu qafiskii gaadhiga ee Foodiyobagaaraha ka hooseeyey oo ku beegan darawalka dushiisa ayuu intuu xoog u garaacay ayuu isaga oo aad u qaylinya uu yidhi Waar Darawal joog joog Darawalkii ayaa istaagay oo is yidhi malaha isaga oo isleh malaa qof baa gaadhiga ka dhacay ayuu yidhi Waar Maxaa dhacay ma qofbaa dhacay Ninkii Reer Miyiga ahaa ayaa yidhi” Waar Darawal Joog qof wax ka daran baa dhacay oo Diin Iyo Subag Toona Ma Noolee” Imika Waxaan leeyahay Mudane Madaxwayne Joog Musharaxnimadada Mooyaane Dal Iyo Dad Toona Ma Noolee

By sacad Cali Kaahin Balaaki

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here