Markab Maalintii Labaad Ku Xayir Dekeda Berbera iyadoo laga Doonayo Lacago Shirkado Ganacsi Ka Rabaan . Berbera

0
648

Markab Maalintii Labaad Ku Xayir Dekeda Berbera iyadoo laga Doonayo Lacago Shirkado Ganacsi Ka Rabaan .
Berbera

Berbera(Ceelgardinews.com)
Maraakiibta Koonteenarada Xambaara ee Caalamiga ah ee ay leedahay shirkada MSC ayaa maalintii labaad ku xayiran Dekeda Berbera kadib markii Maxkamada Gobolka Saaxil amar Xayiraada qoraal kusoo saartay iyada oo maxkamadu tixraacaysa qoraal maamulka Wakaalada Dekedaha Somaliland soo saartay oo sheegaya inay dhamaan maraakiibta Dekeda Berbera badeecadaha keena bixiyaan lacag dhan 3500$ Dollar.oo lasheegay inay qaadi doonto shirkad magaceeda lagu sheegay(Somaliland Documentaion And Cantrol Of Declared)

Shirkada lacagtan qaadi doonta aan la aqoonsan meel laga leeyahay ayaa la sheegay inay lacagtan ku qaadan doonto hab la xidhiidha in maraakiibta laga baadho hub iyo waxyaabaha la midka ah waxaana la sheegay in shirkada uu Masuul kayahay Nin mgaciisa lagu sheegay JIBRIIL oo Xukumada Somaliland Ruqsad usoo siisay inuu qaado lacagtan loogu magac daray baadhida Maraakiibta ee waxyaabaha khatarta ah ee hubku ka midyahay.
Shirkada Markabka leh ee MSC oo kamida shirkadaha sida joogtada ah ugu xidhan Dekeda Berbera keenana badecadaha iyo gaadiidka lagu soo rida Koonteenarada ayaa ganafka ku dhuftay bixinta Lacagtan oo ay ku tilmaameen mid aan sharci ahayn Dekedaha Caalamka iyo kuwa wadamada jaarka ahna midna lagu qaadin waxaanu markabka shirkada MSC oo rarkii rogay mudo laba Maalmooda Dekeda Berbera ugu xayiranyahay lacagtaas shirkada (Somaliland Documentaion And Cantrol Of Declared)kadoonayso

Lacagtan oo laga rabo Markab Kasta oo Dekeda Berbera kusoo Xidha noocu doono ha ahaado badeecada uu doonana ha sidee ayaa la sheegay in lagu shubi doono Sanduuq Xisaabeed Dalka Jabuuti ka furan Mana ah lacag ku dhacaysa khasnada dawlada Somaliland shirkada Lafteedana lama cadayn cid leh iyo halka ay salka ku hayso.

Maraakibta Koonteenarada Xambaara oo hada ah kuwa ugu adeega badan gaadiidka bada ee Dekeda Berbera ku xidhan ayaa lacag adag oo badani uga soo xerootaa Khasnada dawlada Somaliland iyo shirkada Dekeda Berbera Maamusha ee DP World waxaana la odhan karaa haday maraakiibta Koonteenarada Xambaaraa xidhiidhka ujaraan Dekeda Berbera in dakhli badani kaga baaqan Khasnada dawlada Somaliland gaar ahaan Wasaarada Maaliyada ee cashuuraha badeecadaha qaada.

Shirkadaha Maraakiibta Koonteenarada xambaara ee dekeda Berbera ku xidhan oo afar shirkadooda ayaa mid kastaaba 30 cisho afar jeer kusoo xidhaa dekeda Berbera iyaga oo sida kumanaan Koonteenar oo Badeecado kala duwan iyo gaadiidba ku jiraan waxaana macnaha lacagtani noqonayaa in afartaa jeer markasta markabka laga rabo lacag dhan 3500$ oo marka laysu geeyo noqnaysa bishii 14000$

Halkan Hoose Ka Akhriso Warqaaha Xayiraada Markabka Shirkada MSC Laguna Bayaaminayo in Lacagtaas Markab kasta laga doonayo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here