Masuuliyiin KULMIYE iyo Xukuumadda ah oo soo dhaweeyey Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Dr. Maxamed Cumar oo u yimi Shirka Dhallinyara Xisbiga

0
340

Hargeysa ( Ceelgardinews.com)- Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) iyo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Axmed Nuur Faahiye, ayaa maanta dalka ku soo dhaweeyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo u yimi ka qaybgalka shirweynaha dhallinyarada heer qaran ee xisbiga KULMIYE oo berri (18 December 2016) ka furmaya magaalada Hargeysa.


Guddoomiye-ku-xigeenka labaad iyo Wasiiru-dawlaha waxbarashada oo madaarka diyaaradaha ee Hargeysa ku qaabilay Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar waxay ku ammaaneen kaalinta uu kaga jiro xisbiga KULMIYE iyo guud ahaan horumarinta Qaranka..

 


Dhankiisa Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar waxa uu ka mahadceliyey soo dhawaynta loo sameeyey, waxaannu xusay inuu dalka u yimi ka qaybgalka shirweynaha garabka dhallinyarada KULMIYE oo ay isuug imanayaan in ka badan 1500 qof si loo dhiirrigeliyo da’yarta waddanka.