MASXAF IYO XUSUUSTII MASRAXA AF SOOMAALIGA : Qalinkii Cali-Mahad Yuusuf

0
477

MASXAF IYO XUSUUSTII MASRAXA AF SOOMAALIGA

Magac ku baahay Hargeysa, Muqdisho, Jabuuti iyo Jigjiga

Qalinkii Cali-Mahad Yuusuf

Waa 24.1.2020 Amin saacada geeska Afrikada bari ku aadan tahay 5:34 Pm, waxaan
furay fariin kusoo dhacday Mobilkayga gacanta oo ka timi Weriye Abiib Iimaan Xasan oo u
qornayd “ Saaxiib Cali waxa jigjiga ku geeriyooday Daa’uud Cali Masxaf, inkastoo aanan
xanuunkiisa war ka hayn waxay igu noqotay Geeri run ahaantii aan aad uga naxay, Feker dheer
iyo xusuus hirba hir kale ii dhiibayo ayaan ku foofay, waxaa igu soo dhacday markii iigu
horaysay ee aanu is aragnay iyo Barashadayadii koowaad oo aanu ku kulanay Makhaayad u
dhowayd Tiyaatarkii Muqdisho, waxaa iskaaya baray Nin aanu saaxiib ahayn oo lagu Magacaabi
jiray Nuur Fayte oo isaga laftiisu ka tirsanaa Kooxdii DAYAX ee ururka dhaqdhaqaaqa
iskaashatooyinka, hadaba inkastoo taariikhdiisa iyo sooyaalkiisa nololeed marar badan
warbaahintu ka faalooday, waxaan jeclaystay inaan qoraalkan ku xardho Qaybo kamid ahaa
waayihiisii faneed, iyadoo maanta ay laba sano kasoo wareegtay geeridiisii, Rabi naxariistii
jano haka waraabiyee waxaa 24.1.2020 ku geeriyooday Magaalada Jigjiga Daa’uud Cali Masxaf
oo kamid ahaa raga sida aadka ugu horeeya tumista Qalabka muusikada, iyo samaynta
Laxamada Fanka afsoomaaliga, marxuumka oo kamid ahaa dhalinyaradii soo shaacbaxday
Bilowgii sideetanaadkii, wuxuu ahaa madaale dhowr kaalmood oo fanka ah ka hawlgala markay
dhinaca tumista aaladaha noqoto wuxuu lahaa gacan cajiib ah oo si aad u macaan xadhkaha
kamanka (Cuudka) cod dheguhu ku raaxaystaan oo qalbiga taabta ka sameeya anigoo filaaya in
badan oo inaga mid ahi inay xusuustaan heeso qaaci ah fanaanka ama fanaanada, ku
luuqaynaysaa kor ugu dhawaaqaan axyaa Daa’uud !!!! markay si fiican isugu dhacaan luuqda
fanaanka iyo codadka ay samaynayaan xadhkaha cuudka ee Faraha Daa’uud xubin xubin kor
iyo hoos u xadantaynayaan, marka uu lasii kala baxo farsamooyinkiisa xaraaraduna aad u kacdo
xaaladuna u muuqato in saarkii weynaa soo degay, waxaa maqalka heesta baalsocda sacabka
iyo mashxarada asxaabta madasha ku sugan oo sare u leh Yaa Salaam Yaa salaam Macalin
Macalin Daa’uud Macalin.
Tumista kamanka heerka uu ka gaadhay waxaynu ka qiyaasi karnaa in badan oo Dadka
afsoomaaliga ku hadashaa markay arkaan Cuudka waxaa maskaxdooda kusoo dhaca Magaca
Daa’uud Cali Masxaf oo loo aqoonsaday khabiir halkiisa ugu tegay.
Marka laga yimaado Cuudka wuxuu baylood lagaga dambeeyo ku ahaa kitaarka codka dheer
ee loo yaqaan liit Kitaarka , aaladan oo nin aad u bartay mooyee aanay suurto gal ahayn in qof
kale farihiisu taabtaan, marka laysku arko Masraxyada muusika isku dhan ee qalab badan laga
dhawaajinaayo, waxaa dhadhanka maqalka muusikada kaalinta ugu weyn ku leh xirfada
muusikiisteyaasha iyo siday isula fahmayaan codadka ay samaynayaan , kitaarka Codka dheer

oo ah halbowlaha qalabka wuxuu sameeyaa dhextaalada dhawaaqa muusiga, waxa kale oo uu
qaabeeyaa jawaabaha ay isa siinayaan.
AHN Marxuum Daa’uud Cali Masxaf oo sanadihii sideetanaadkii kamid ahaa dhalinyaradii
Joogtada ku ahayd masraxyadii Hargeysa iyo Muqdisho sida badan waxa ay wada hawlgaleen
rag cimri ahaan aad uga da weynaa oo mudo dheer fanka uga soo horeeyay kuwaasoo ay kamid
ahaayeen Ismaaciil-yare, Cabdi Aamito, Maxamed Saleebaan Mahdi, Muuse Maxamed, Axmed
Khamiis Tifow, Aweys Goobe Dhamaantoodba Alle haw naxariistee khibradii iyo farsamadii uu
ka korodhsadayna waxay sabab u noqdeen inay u hawlyaraato Inuu si fudud u tumi karo
Heesihii hore, Kuwii dhexe iyo kuwii dambeba. Waayahaasna wuxuu noqday Macalin markasta
masraxa looga baahanyahay, xiliyadii dambe ee uu ku sugnaa magaalada Jabuuti oo uu la
hawlgalay Barbaar d’a yar ah oo intooda badani ku cusubtahay Xirfada wax tumista waxaa cid
kasta ka yaabin jirtay muuqaalada Kamaradaha wax duubaa qabtaan, waxaana kasoo bixi jiray
Isagoo dhinac ka wada tumista qalabka, Weliba kala bedelaya xadhkaha Kitaarka hadana
dareenkiisu la socdo habka qalabka la garaaacayaa isu raacayo oo aaladaha qaar codkoodu ka
hooseeyo heerkii saxda ahaa iyo fanaanka heesaya oo Daymo adag muusikiisteyaasha ku
canaananaya marka xaalada noocaas ahi soo korodho, AHN Ustaad Daa’uud wuxuu fariimo
insharooyin ah ku sixi jiray, Colka Muusika daadihinaya si fudud baana laysu afgaran jiray, in
natiijadu guul ku dhamaadayna waxaa laga fahmi jiray, dhoolacadayn kooban oo fanaanku
sameeyo iyo Daa’uud oo madaxa ruxa OK!!
Sida cajibka ah ee uu kitaarka ugu xaragoodo ka sokow wuxuu lahaa Muuqaal Golejoogleh inta
daawanaysaana isha la raacdo qaabdhismeedka jidheed, habka lebiskiisa, sida uu timaha ula
baxo wuxuu ku cadaa waxa afka qalaad loogu yeedho FASHION ama ILQABAD.
Dhinaca kalena Daa’uud Cali Masxaf wuxuu kamid ahaa tobanka qof (Top ten), ee samaynta
laxamada ugu horeeya Afka Soomaaliga, inkastoo aanay dadka badankiisu fahamsanayn
kaalinta Laxamka iyo halka uu fanka kaga jiro, marka la fasiro waa dhadhanka iyo macnaha
heesta loo saaro habka loogu dhawaaqayo baydadka ay ka koobantahay, waana shaqa adag oo
aanay cidwaliba faraha la geli karin, raga laxanka sameeyaana waxay si joogto ah u
dhegeystaan wax kasta oo sanqadha iyagoo raadinaya cod dheelitira Midhaha ay sitaan,
Baadidoonka noocaas ahina mararka qaar laxamsameeyuhu wuxuu jabaq qiyaasan oo si fiican u
daboosha kasoo helaa amuuro qofka aan fanka wax ka aqoon marka looga sheekeeyo aad uga
yaabisa sida C’idda Xayawaanka, sanqadha dabaysha, codka Mawjadaha Badda, xitaa waxaa
dhacdain Guuxa Baabuurta qaarkood laxam laga dhex raadiyo. Hadaba iyadoo aan qoraal
kooban lagu soo ururin karin heesaha uu laxamka saaray AHN Daa’uud Cali Masxaf balse
kuwoodii ugu caansanaa weliba sida weyn ugu baahay Caalamka Afka soomaaliga waxaa kamid
ahaa:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here