Maxaa Ka Jira In Safiirkii Sudan ee Addis Ababa Ay Galaafatay Socdaalkii Madaxweyneha Masar ee Jubba

0
336

Dawladda Federaalka Ethiopia ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay wararka sheegaya in Magaaladda Addis Ababa laga eryay Safiirkii Dawladda Koonfurta Suudaan halkaasi u joogay.

Warkan oo ay bahiyeen warbaahinta gudaha ee dalka Ethiopia waxa ay xukuumaddu sheegtay in aanay waxba ka jirin oo ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.

Madaxweynaha Dalka Masar Cabdifataax Al Asisi ayaa Todobaadkii hore ee Safar Ku Tagay Magaaladda Jubba ee caasimadda Koonfurta Suudaan, waxaanay wararku sheegayaan in uu erigan safiirka suudaan uula xidhiidho arrintaasi.
Dawladda Koonfurta Suudaan ayaan ka hadal wararkan u dambeeyay ee ka soo soo baxay dalka Ethiopia.

Khilaafka ku saabsan biyaha Wabiga Niilka ayaa weli cirka ku shareeran, waxaana cabsi xoog leh laga qabaa in uu dagaal ka dhex qarxo Wadamada Ethiopia iyo Masar kuwaas oo muransan sidii loo qaybsan lahaa biyaha wabiga niilka.

heshiis saddex geesood ah oo sanadkii 1959 dhex maray wadamada uu maro wabiga ayaa waxa uu dhigayay in dalka Masar biyahaasi uu helo 55.5 billion cubic meters, halka Suudaana looga qoondeeyay in ay hesho 18.5 billion cubic meters.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here