MAXAA UU DAARANAA KULNKII MAANTA EE ODAYAASHA BERBERA IYO BARIGA BURCO MAXAA SE LAGAWADA HADLAY

0
348

Berbera (Ceelgardinews.com)  Waxa Mudooyinkii Udanbeeyay Gobolka Saaxil Ay Weheshatay Xaalad Adag Oo Salka Kuhaysa Muranka Kataagan Deegaanka Ceelgarde Oo Masaafo Kooban Ujirta Magaalada Berbera Islamarkaasina BariKaga Beegan,Waxaana Ay Xaaladaasi Ceelgarde Gaadhay Muran Horle Oo Udhexeeya Beelaha Kasoo jeeda Gobolka Saaxil Iyo Kuwo Kasoojeeda Bariga Gobolka Togdheer ,Kadib Markii Ay Ganacsato Kasoojeeda Bariga Gobolka Togdheer Iyo Qaybo Kamida Wasiiro Hore Ugu Tirsanaan Jiray Xukuumada Silaanyo Ay Deked Sharcidaro Ah Ay Kasamaysteen Deegankaasi,Waxaana Uu Arinkaasi Keenay Iskudhac Wayn Oo Gaadhay Gacan Kahadal Iyo Muran Xoogan ,
Dablay Hubaysan Oo Aan Haybtooda Lagaraynayn Ayaa Saqdhaxe Weeraray Dekedaasi Sharcidarada Ah ,Waxaana Ay Gaadhsiiyeen Qasaare Xoogan Oo Xaga Qalabkii Lagudhisaayay Ah Kaasi Oo Gawaadhidii Taalay Dekedaasi Ladhacay Rasaas Qaarna Gubay ,
Tan Iyo Maalintaasi Waxa Magaalada Berbera Hadheeyay Ciidamo Tirabadan Oo Gaaf wareegaayay Magaalada Berbera Iyo Hareeraheeda Kuwaasi Oo Raadinaayay Dadkii Dekeda Sharcidarada Ah Dhisanaayay Iyo Kuwii Raaseeyayba Balse Xukuumada Murankaasi Ilaa Hada Maysoo Afjarin Geesta Kale Waxa Ay Magaalada Berbera Labadii Cisho Ee Udanbeeyay Laciir Ciiraysaa, Odayaal Kasoo Kaljeeda Labadaasi Beelood Kuwaasi Oo Kawada Hadlaayay Xaalada Ceelgarde Waxaana Wararka Xogagaalka Ah Ee Aanu Ilaa Hada Helay Sheegayaan Inay Isku maandhaafeen Kulankii Ay Galeen Walow Aanan Helin Waxa Murankaasi Salka Kuhayo
Geesta Kale Dhinaca Xukuumada Oo Iyadu Dabada Kariixaysa Kulan Odayaasha Ee Labada Dhinaca Oo Uu Umetelyaay Badhasaab Kuxigeenka Gobolka Saaxil Oo Ah Badhasaab Kuxigeen Ku cusub Saxada Siyaasada Ayaa Wax Badana Kala Socon Oo Aynu Odhan Karno Waxa Uu Kufashilmay Xaalada Ceelgarde , Ayaa Jiitan Dheer Kabacdi Waxa Isoo Horfadhiistay Labadii Dhinac Maanta Ee Beesha Bariga Burco Iyo Cuqaasha Gobolka Saaxil.
Shirkani Oo Ay Alaabadu Uxidhnaayeen Islamarkaasina Kadhacay Aqalka Madaxtooyada Ee Magaalada Berbera Ayaa Waxa , Kusugnaa Shirkaasi Dhinacyada Wada Hadlaayay Oo Gaadhayay Tiro 40 Ah Oo Labada Dhinaca

Waxaana Qodobada Lagawada Hadlay Ahaayeen Sidan
1,In Cidii Dekeda Dhisanaysay Ay Tahay Denbiilayaal Qaran Una Taalo Xuukmada Waxa Ay Kayeelayso
:In Cidii Weerartay Dekedaasina Ay Tahay Denbiile Unataalo Xukuumadu Waxa Ay Kayeelayso
:Dekedii Ladhisanaayayna Tahay Sharcidaro Unataalo Xukuumada Waxa Ay Kayeelayso

2;In Qasaarahii Ay Gaysteen Dablaydaasi Weerarta Dekeda Sharcidarada Ah Ee Xaga Gawaadhida Ahaydna Ay Qaataan Beesha Gobolka Saaxil
Gebo Gebadiina Ay Waxa Ay Islaqaateen In Ay Sidaasi Heshiis Kuyahiin Labada Dhinac Inkasta Oo La,odhankaro Madmadow Ayaa Kujiray Kulankaasi Maadaama Aanay Meesha Kadhex Muuqan Dhinayda Dablaydii Weerartay Iyo Kuwii Waxdhisnaayay Toona

Berbera Office .

info@Ceelgardinews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here