Maxamed Cumar Carte Qaalib Wuxu ka Mid ahaa Siyaasiyiintii ugu Horeeyey ee Reer Somaliland oo Xamar…

0
541
Maxamed cumar carte qaalib wuxu ka mid ahaa siyaasiyiintii ugu horeeyey ee reer somaliland oo xamar u shaqo tegey kuwaasi oo gacan bidixeeyey go’aanka ay qaateen 5 million oo reer somaliland oo ah inay somalia dib ugala noqdaan nidaamkooda dawladnimo .
Waana siyaasi khiyaamo qaran dalka iyo dadka reer somaliland ka galay .
Waxa la sheegay inuu Hargeisa ku sugan yahay oo xukuumadu u ogolaatay inuu dalka soo galay .
Hadii loo ogolaado inuu dalka bilaa cafis iyo cudur daar la’aan ku soo galo waxay fududaynaysaa in dalka ay iska soo galaan kuwa khiyaameeyey dalkooda iyo dadkooda
Oo beritoole waxa dalka iska soo geleya mahdi guuleed iyo maareeye oo cudur daar ka dhiganaya ina cumar carta qaalib !!
Waa in lala xisaabtamaa oo uu dalka iyo dadkaba weysiistaa cafis qaran , sida ay sameeyeen siyaasiyiintii ka horeeyey sida prof ismaciil buubaa .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here