Maxkamada ciidamada oo xukun dil ah ku riday xubno ka tirsan ururka Al-shabaab

0
360
messenger sharing button
whatsapp sharing button
email sharing buttonMaxkamada ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku riday labo eedeysane oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaa oo lagu helay dilka saraakiil ka tirsanaa dowladda Soomaaliya.

Labada xubnood ee xukunka dilka lagu riday ayaa kala ah Cumar Aadan Maxamed iyo cabdulle Axmed Muudey, kuwaasoo xeer ilaalinta maxkamadu ku eedeysay in 13kii bishii November ee sanadkii 2019 dileen Cali Cabdulle Maxamed oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxaa ay uu sidoo kale xeer ilaaliyuhu ku eedeeyay raggan in ay toogasho ku dileen Cabdullaahi Axmed Hiloowle, hasse ahaatee markii danbe ciidamada amniga gacanta ku soo dhiggeen.

Maxkamada ayaa u fasaxday dilka kaddib labada eedeysane in ay in ay xukunkan ka qaadan karaan racfaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here