Mayorka iyo Xooghayaha Dawlada Hoose ee Hargeisa oo Bilaabay Laydhadhka Solarka Qoraxda ku shaqeeya inay ku xidhaan Wadooyinka

0
336

maayarka Caasimada Hargeisa Cabdiraxman Soltelco iyo xoghayaha dawladda hoose ee Hargeysa Cali Xasan Cawaale ayaa waxay bilaabeen laydhadh solarka qoraxda ku shaqeeya oo lagu xidhayo wadooyinka, taas oo laga soo bilaabay jidka madaarka Hargeysa ka soo baxay.
Xoghayaha dawladda hoose ee Hargeysa Cali Xasan Cawaale ayaa sheegay in laambadahan qoraxda ku shaqaynaya ay ku tixi doonaan laambaddo, waxaanu yidhi “Birahan laydhka ee qoraxda ku shaqayn doonta waxa laga soo bilaabaya madarka illaa suuqa dhexe illaa dawlada hoose ee Hargeysa, waxaanay kor u qaadi doonta bilicda iyo qurxinta caasimadda waana ceeb in caasimaddii bilaa laydh noqoto, waxa nasiib wanaag ah in aan maanta ku wada xidhayno wadooyinka caasimadda”ayuu yidhi Cali Xasan Cawaale.
Sidoo kale, waxa isna ka hadlay Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko waxaanu yidhi “waxaanu Bilownay rakibaadii Solarka oo aanu ka soo bilaabaynay Madaarka Hargeysa, gaadiidka ka aqbali mayno intay jiidhaan biraha Solarka ee lagu tabcay oo cidii jiidha talaabo ayaanu ka qaadi doonnaa”
Mar uu ka hadlayey golaha cusub ee Madaxweynuhu magacaabay waxa uu yidhi “qodobka labaad waxaan madaxweynaha cusub ee Somaliland Muuse Biixi u diraya hambalyadda golaha wasiirada uu magacaabay, waxaan kaaga mahad celinaynaa wasiirka wayn ee daakhiliga u magacowday Maxamed Kaahin.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here