Mid Ka Mid Ah Madaxweyneyaasha Soomaaliya Oo Samaysanaya Ra’isal Wasaare

0
249

Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku dhawaaqay inuu magacaabayo Ra’iisul Wasaare uu yeesho maamulkiisa, taasoo noqoneysa mid ku cusub maamulada Federaalka ee dalka ka jira.somalia_640

Shariif Xasan oo ka hadlayay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in marka la ansixiyo Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya uu soo magacaabi doono Ra’iisul Wasaare kala wada howsha maamulkiisa.

“Maalintii la ansixiyo Xukuumadda, waxaa soo magacaabi doonaa Ra’iisul Wasaare, wax badan ayaa ka qaban doonaa howlaha waa la badi doonaa, anaga ma sameyneyno Wasiir arrimo dibadeed”ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Shariif Xasan ayaa sheegay in aanay ka hor-dhici doonin inta aanu ansixin Baarlamanaka Xukuumadda cusub, inuu dhaqse u soo magacaabo Ra’iisul Wasaare.

Arrintan ayaa noqon doonta mid layaab ah, hadii uu ku dhawaaqo Ra’iisul Wasaare, isla markaana maamul goboleed uu isla meel dhigo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Maamul goboleedyada dalka ayaa leh Wasiiro la mid kuwa dowladda dhexe, hase ahaatee ma lahan Wasaarad arrimo dibadeed, waxaana hadii ay yeelan lahaayeen ay shaki gelin laheyd midnimada Soomaaliya.

Dad badan ayaa aaminsan in tallaabada uu qaadayo Shariif Xasan oo uu ku doonayo inuu ku magacaabo Ra’iisul Wasaare uu yeesho maamulkiisa ayaa ujeedkeedu yahay inuu ku yareeyo culeyska kaga soo wajahan Xildhibaanada Baarlamaanka maamulkiisa, kuwaasoo dhowaan mooshin ka dhan ah ka diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here