Mid Ka Mida Suxufiyiinta Ka Hawl Gala Muqdisho Oo Goor Dhayed Dil Toogasho ah Lugu Dilay –

0
317

Muqdisho(Ceelgardinews.com) Alle Hawnaxariistee Kooxo hubeysan, ayaa Goor-dhaweyd Muqdisho ku Dilay Suxufiyad lagu Magacaabi jiray, Sagal Salaad Cismaan oo ka Tirsanayd Idaacadda Radio Muqdisho.

Dilka Suxufiyaddaan ayaa ka dhacay Agagaarka Jaamacada Plasma ee Degmada Hodan oo ay wax ka baranaysay.

Sidoo kale, Kooxaha Dilkaan Geystay oo la sheegay in ay ku Hubeysan Bastoolado, ayaa dilka kaddib goobta ka baxsaday, iyadoo weli jirin cid sheeegatay inay mas’uul ka tahay dilka suxufiyaddan.

Wariye Sagal ayaa Sannadkii iyo Barkii u dambeeyay ka Shaqeynaysay Radio Muqdisho, iyadoo ahayd Barnaamij soo Saare, Waxayna Daadihin jirtay Barnaamijka Salaamaha iyo Tahniyadaha, halka mararka qaarna ay daadihin jirtay barnaamijka Isboortiga oo ay aad u xiiseyn jirtay.

Hay’adaha Amniga Dowladda Somalia, ayaan weli ka hadlin Dilka Wariye Sagal Salaad Maanta loogu geystay Muqdisho, Waxaana Marxuumaddu ay noqonaysaa Wariyihii ugu horreeyay oo Sannadkan 2016-ka lagu dilo Muqdish

Ceelgarinews.com

Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here