Mid Kami Ahaa Shaqaalaha Banka Dawlada Ee Berbera Oo Xabsiga Berbera Ku Dhex Geeriyooday

0
302

Berbera ( Ceelgardinews.com ):-  Abaaro 7dii Fiidnimo Ee Xalay Ayaa Alle ha u Naxariiste Marxuum Maxamed Jaamac (MJ) Oo Kamid Ahaa Shaqaalaha Bangiga Berbera 25 sanadood Ee Inasoo Dhaafay Waxaa Uu Ku Dhex Geeriyooday Xabsiga Weyn Ee Berbera Oo Uu Mudo Sadex Bilooda Ugu Xidhnaa Rumaan Aan wakhti Lahayn Maxkamadan Aan la Horkeenin , Mid kamida Qaraabadiisa Oo Caawa la Hadlay Warbaahinta Ayaa Sheegay In Marxuumkani Ku Xidhnaa Cadaalada Daro Isaga iyo Labo Dhalinyaro ah Oo kamid Ahaa Shaqaale Hoosaadka Bangiga Berbera , Marxuumkana ayaa waxuu Shaqaale Hoosaad Isna ka ahaa Qaybta Qasnada Ee Bangiga Berbera, Sida Aanu Wararka Ku Hellnayna Marxuumka waxaa Lagusoo Booday Illaa Shantii Galabnimo Oo waxaa Ku Dhuftay Dhiig Kar Maadaama Jawigu Kulul yahay oo Lagu Jiro Xagaa Baasle kulaylkiisa Wata.

waxaana Markiiba Loogu Qaylo Doon tagay Dhakhtarkii Ku Qornaa Jeelka Laakiin Wuxuu U Sheegay In Aanu waxba ka Qaban Karin Ee Dhakhtar La Geeyo, Arinkan Ayaa saraakiishii   Jeelka Ee Shaqada Lahayd Ay ka Gaws Adaygeen Maadaama uu Maqnaa taliyihii Jeelku,

Inta kadib saraakishani Jeelku waxay Ogalaadeen In Ay Kasoo Furaan Qolkii Kululaa Ee Uu Ku Xidhnaa waxaanay Keeneen Barxada Jeelka ,Waxaana Loogu Yeedhay Dhakhtar kale Isna Wuxuu Ku Celiyay In Ninkani Ubaahan yahay In Dhakhtarka    lageeyo taana Siday Noo Xaqiijiyeen Goobjoogayaal Jeelka Joogay waxaa Diiday Labadii sarkaal Ee Xiligaa Ka Masuul ka Ahaa Jeelka oo Sheeegay Illaa taliyihii Jeelka La Hello Oo Ay ka Amar Qaataan In Aanay Awood Ulahayn Arinkan,

Labada Dhalinyaro ee kalee Jeelka Ku Xidhan kana Tirsanaa shaqaalaha Bangiga Ayaan Iyagana wali la Hoekeenin Maxkamad Mudo 4 Bilood Ku Siman, waxaanay magac yadoodu Kala yihiin , Maxamed Xaji Yaasiin Dayr iyo Maxamaed Cabdilaahi Maxamed oo Labaduba Ahaa shaqaale Hoosaad Inkastoo Isna Laga dayrinayo Caafimaadkiisa Ninka la Yidhaa Maxamed Cabdilaahi Maxamed oo Isna Xanuun Ugu Illdaran Jeelka Dawooyina Ku Qaata sidaanu warka Ku Helnay

Shaqaalahan Banka Ee Xabsiga Kujira Mid Kamidina Geeriyooday Ayaa Loo Haystay Wax isdaba Marin Iyo Xatooyo Lacageed Oo Sanduuq Xisaabeedyada Banka Dawlada Ee Berbera Lagala Baxay Waxaana Baxsad Ku Maqan Maxamed axmed Jaamac oo ah Ninka Xatooyadan Iyo waxdaba Marinta lacagahan Banka Ka Maqan Sababteeda Lahaa.

Marxuum Maxamed Jaamac Ayaa Waxa uu banka Berbera Kaga Soo shaqeeyay Fooniye xiliyadii aanay Jirin Isgaadhsiinta Casriga ahi isaga oo Takhasuus ulahaa shaqada Dirida fooniyaha Aama Raadyawyada Markii Isgaadhsiinta Casriga ahi timina waxa Laga dhigay Shaqaale Hoosaadka Banka ee Qeybta Khasnada Sidoo Kale Waxa uu caan ka ahaa guud ahaan magaalada Berbera iyo Gobolka Saaxil Isaga Oo Badhtamaha Suuqa Berbera Ku haystay fooniye Ama Radiyaw La Odhan Jiray MJ RADIO BERBERA.

Isku Soo Duuboo Jeelka Berbera ayaa ah Xabsi Ay Dhiseen Dawladii Cusmaaniyiinta Ee Turkiga Xiligii Ay Ka talinaysay Somaliland Waana Xabsi Gumaysi Ciqaab Uun Loogu Talo Galay,

Labada Duhurnimo Ayaa la Xareeyaa maxaabiista waxaanay Galaan Qolal Ka samaysan Sabad oo Aad Ukulul Ilaa Inta Waagu ka Baryayana Waa Lagu Hayaa,

Runtiina Xiliga Xagaaga waxay Ahayd In maxaabiista Laga Qaado Oo la Geeyo Jeelasha Mandheera ama Hargaysa, Maaha Markii Ugu Horaysay Ee dad Sidan Oo kale Ugu dhintaan Xaaladaa Kulaylka Awgii

 

 

 

xigasho Berberatoday.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here