Midowga Afrika ayaa sheegay iney ciidamada AMISOM wax lug ah ku lahayn xarigga Mukhtaar Rooboow

0
362

Midowga Afrika ayaa sheegay iney ciidamada AMISOM wax lug ah ku lahayn xarigga Mukhtaar Rooboow iyo Xiisadda ka taagan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed toona.

War saxafadeed ay Midowga Afrika maanta soo saartay ayaa waxay ku sheegtay xaaladda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ka taagan si dhaw iney ula socdaan wakiilka gaarka ah ee xafiiska guddiga midowga Afrika ee Soomaaliya (SRCC) iyo Madaxa Amisom Danjire Fransisco Madeira.

Danjire Madeira wuxuu sheegay iney shacabka iyo saaxibbada midowga Afrikaba uu ku wargelinayo iney xarigga Mukhtaar Roobow Abu-Mansuur iyo in Muqdisho loo qaadaba ay wax lug ah ku lahayn AMISOM

AMISOM waxay sii wadeysaa ayuu yiri ixtiraamka ay u hayso Madaxbannaanida Soomaaliya iyo iney dhexdhexaad ka ahaato wax kasta oo ay dowladda Soomaaliya ka fulineyso dalkeeda.

“Dhinacyada Koonfur galbeed isku hayana waxaan ugu baaqayaa iney dajiyaan xaaladda ka taagan Koonfur Galbeed ee la xidhiidha xaaladda Doorashada dowlad goboleedka ka dhaceysaba ayuu yiri.”

Danjire Madeira, wuxuu intaa ku daray AMISOM iney soo wadeyso gudashada waajibaadka loo igmaday iyada oo iskaashi la yeelaneyso dowladda Soomaaliya, waxayna AMISOM si aad ah u ixtiraameysa ayuu yiri Shuruucda dalka u yaallo iyo Dhaqanka shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntina war saxafadeedka ka soo baxay Midowga Afrika waxay ku soo gabagabeeysay iney tacsi tiiraanyo leh ay u dirayaan dadku ku naf waayey rabshadaha Baidhaba ka dhacay, inta ku dhaawacantayna ay u rajeeynayaan caafimaad deg deg ah inuu ilaahey siiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here