Muj. Boobe Yuusuf Ducaale Muxuu Ka Yidhi Guddida Uu Madaxwayne Siilaanyo Ku Daray Ee Ictiraaf Raadinta

0
344

Hargaysa (Ceelgardinews.com) Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Waddani Muj Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale Boobe ayaa ka hadlay xilka uu Madaxwaynaha JSL Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u magacaabay oo ah in uu ka mid noqdo Gudida Ictiraaf Raadinta Somaliland oo ah Gudi Heer Qaran Ah

Hadaba mar ay Warbaahintu wax ka waydiisay sida uu u arko Magaaabista uu Madaxwayne Siilaanyo u magacaabay ka mid noqoshada guddidan ictiraaf raadinta ayaa wuxu kaga Dareen celiyay.
“Horta Waan Maqlay in laygu daray gudi uu madaxwaynuhu u Magacaabay Arimaha ICTIRAAF RAADINTA Horena laygalama tashan magacaabistayda, balse markii aan la tashaday Inta Iigu Mudan ee la tashaday xisbigaygii lana Xidhiidhay Gudomiyihii Xisbiga , Gudiduna Ay Tahay mid ka Shaqaynaysa Dan Qaran Ee Aanay mid cid Gaara u Adeegaysa Waan Aqbalay kamid Noqoshadeeda, Xilkii Aan u hayay Xisbigayga iyo kamid Ahaan shihiina waa halkiisi oo wax iska kay badalay Ma jirto” ayuu yidhi Muj Boobe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here