Musharax AJ oo si weyn loogu soo dhaweeyay Columbus Ohio

0
252
facebook sharing buttonemail sharing buttonJaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Ohio ayaa si weyn u soo dhaweeyay Musharaxa Abdisamad Yusuf Fardaale (AJ) oo  u cararay Duqa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Xaflada Soo dhaweynta oo ahayd mid si weyn looga soo shaqeeyay waxaa ka soo qeybgalay Haldoorka Soomaalida Ohio oo iskugu jiray Ganacsato, Aqoonyahano, Culumo, Haween, dhalinaro, Siyaasiyiin,  Dhaqaatiir iyo dhamaan qeybaha Bulshada.

Inta baddan dadkii hadlay  waxay diirada saareen ahmiyada dhalinyarada Soomaaliyeed ee qurbaha soo galay ay u leedahay in ay isbadal la yimaadaan Taas oo sare u qaadikarta fikirka wanaagsan ee dadka Soomaaliyeed laga haysto iyo in la helo jiilal is baddala oo aqoon iyo himilo  wanaagsan ku tartama.

AJ ayaa wajahaya tartan adag oo uu la galayo shaqsiyaad kale oo booskaasi u cararaya waxaase uu muujinayaa rajo wanaagsan isaga oo talosaaranaya Alle iskuna halaynaya Soomaalida Minnesota iyo shacabka degmada.

Ujeedada ugu weyn ee uu Ohio u yimid ayaa ahayd in uu taageero Dhaqaale iyo Duco ka helo reer Columbus taas oo si weyn loogu soo dhaweeyay lana garab istaagay.

Waxa uu u mahadceliyay Jaaliyadda Columbus  sida walaalnimada leh ee ay isku garab taageen isaga oo ugu baaqay in ay ka soo muuqdaan siyaasada Ohio oo ah gobolka labaad ee Soomaalida ugu baddani ay ku noolyihiin.

Waxaa la filayaa in uu tago magaalooyin kale oo ay Soomaalidu daganyihiin si uu taageero u weydiisto.

Intabaddan Gobolada Mareykanka ee Soomaalidu ku nool yihiin waa kuwo mar walba laga caawiyo dhalinyaradda Siyaasada u tartanta waa arin ay ka mideeysanyihiin dhamaan Soomaalida Mareykanku.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here