Musharax Jamaal Cali Xuseen Oo Saladiin Iyo Siyaasiyin Ka Soo Jeeda Gobolka Gabiilay Casumay

0
308

Hargaysa (Ceelgardinews.com) Kulan Qado ah oo Maanta Ka Dhacay Hotel Safari Magaalada Hargeysa ayaa ahayd mid kulmisay Musharax jamaal Cali Xuseen iyo Haldoor Ka Mid ah Odayaasha, Siyaasiyiinta iyo Dhalinyarada Kasoo Jeeda Gobolka Gabiley.

Shirkan oo lagaga hadlay xaaladda dalku marayo, Duruufaha adag ee yaala iyo sida maanta loogu baahanahay isbadal dhab ah. Kadib markii lagu hungoobay doorashadii xukuumada Kulmiye oo maanta Dhaxalkeedu noqday dulmiga iyo cadaalad daradii laga dagaalamay in dib inoogucelisay..

Kulankan oo waxyaabo badan laga hadlay wuxuu kusoo dhamaaday is afgarad iyo in maanta dalku u baahanyahay is badal iyo dhiig cusub.

12799385_578040929012970_6697064574096072927_n

Maantana taageero buuxda siinayaan Musharax Dhalinyarada ah ee aqoonyahan Jamaal Cali xuseen. Waxaanay sheegeen in maanta dalka badbaadiisu ku jirto in la taageero aqoonyahan Jamaal Cali xuseen oo aan godob lahayn oo nadiif ka ah boobka iyo xatooyada lagu hayo hantidii umada halka kuwa kale ay yihiin qaar ku suntan dhibaatooyinka ragaadiyay dhismaha qaranka Somaliland ee ay ka mid tahay Maamul xumo, Musuqmaasuq Qabyaalad, Sharcigii iyo dawladnimadii oo fadhiid laga dhigay.

12472544_578041362346260_2885554384189322527_n 12790910_578040879012975_6276083158921361881_n

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here