Musharax Khaalid Maxamed Saleeban ( Xabeeb) Oo Qalab Caafimaad Gaadhsiiyey Deeganka Laasadawoco .

0
355

Berbera (Ceelgardinews.com) Musharax Khaalid Maxamed Saleeban ( Xabeeb) Oo Qalab Caafimaad Gaadhsiiyey Deeganka Laasadawoco .

Musharax da’da yar ee khaalid Maxamed Saleeban Xabeeb ayaa qalab caafimaad oo kala duwan ee gaadhsiiyey degmada laasadowoco ee Gobolka Saaxil .
Musharax ayaa waxaa kamid yahay musharixiinta Gobolka Saaxil u ordaya doorashada golaha deeganka ee fooda inagu soo haysa ,

Waxaa uu gaadhsiiyey deegankaasi daawooyin kala duwan , qalabka haweenka lagaga umuliyo iyo daawooyin ay baahi uqabeen dadka jilicsan ee ku dhaqan deeganka iyo reer guuraga ka ag dhow laasodawaco .

Dadka ku dhaqan deegankaasi ayaa uga mahadnaqay deeqdan qalabka ee uu gaadhsiiyey waxayna sheegeen inuu yahay qofkii ugu horeeyey ee iskii daawooyin iyo qalab noocan ah soo gaadhsiiya deeganka waxayna ubalanqaadeen inay la shaqayn doonaan qof kasta oo waxtar iyo tageero ka gaysta deeganka laasodawaco ee Gobolka Saaxil.

Khaalid Maxamed Saleeban Ayaa waxaa sheegay inuu ku dadaalayo ka warhaynta dadka jilicsan iyo deegnada ay baahiyaha noocan ahi ka jiraan ee guud ahaanba Gobolka Saaxil waxaa kale intaasi ku daray isagoo hadalkiisa sii wata inuu ku dadaali doono dadaalka iyo taakulada joogtada ah ee hadba wixii ay bulshadu ubaahan tahay isla markaana aanu ka hagrandoonin wixii karaankiisa ah ee ay bulshadiisi ubaahantahay .

Waxa kale oo intii uu joogay degmada laaso kormeer kooban kusoo maray xaafadaha magaalada gaar ahaana dadka jilicsan ee ku nool gudaha magaalada .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here