MUSHARRAXA MADAXWEYNE EE XISBIGA UCID JAMAAL CALI XUSEEN OO TACSI TIIRAANYO LEH U DIRAY QOYSKII, CIIDAMADA QARANKA IYO SHACABKA SOMALILAND EE UU KA BAXAY TALIYIHII BOOLISKA GOBOLKA SAAXIL

0
307

Hargeysa(Ceelgardinews.com)-Inaalilahi wa Ina ileyhi Rajicuun: Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Md. Jamaal Cali Xuseen waxa uu tacsi tiiraanyo leh u diray Ciidamada kala duwan ee Qaranka Somaliland, qoyskii iyo shacabka Somaliland ee uu ka baxay alle ha u naxariistee Taliyihii qaybta booliska gobolka saaxil Marxuum C/risaaq Yuusuf Maxamuud Casayr oo gacan ka xaqdarani ku dishay deegaano hoos yimaada gobolka Saaxil.

Waxaan ilahay uga baryaya inuu janno fardowsa ka waraabiyo, oo qabriga u nuuro, iilkana neecaw qabow ku siiyo Inaalilahi wa Ina ileyhi Rajicuun. waxa uu ahaa tiir culus oo ka baxay qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ahaa shaqsi nabadeed daacad ah Ilahay ha u naxariiste.Sidoo kale, waxa aan xukuumadda Somaliland usoo jeedinaya inay si dhaqso ah sharciga u horkeento gacan ku dhiiglihii ka danbeeyey dilka iyo cid kastaa oo ka gacan siisayba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here