Muuse Biixi(Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga Kulmiye) Iyo Askarigii Joojiyey Oo Wakhti Kooban U xidhnaa, Siideyntii Wasiirka Iyo Faalada Ka Dhalatey Dudmadii Gudoomiyaha Oo Dadweynuhu Hadal Hayeen.

0
350

Hargeysa(Ceelgardinews.com)-Kadib markii Askari ku amranaa in la Joojiyo cid kasta oo gudaha usoo gasha Madaarku joojiyey Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi waxey sababtey in Gudoomiyuhu ka dudo soo dhaweyntii Mujaahid Axmed Mire Maxamed iyo guud ahaanba Madaarka Caasimada Hargeysa ee Cigaal-Airport islamarkaana uu Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ka dalbado in loo taxaabo Askarigaasi haseyeeshee,markii uu xabisnaa wakhti kooban Wasiirka Duulista Hawadu amrey in xoriyadiisa loo soo celiyo Askariga lana ilaaliyo xuquuqdiisa maadaama uu gutey Waajibaadkiisa la farey.

Talaabadan oo siweyn loo faaleeyay guud ahaanba hadalheynta Bulshada Somaliland islamarkaana saameyn taban iyo mid toganba kuyeelatey dulqaadka Muuse Biixi waxey unoqoneysaa tii sadexaad ee nooceeda ah oo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa jagada Madaxweyne ugu dulqaadan waayo Askari waajibaadkiisa gudanaya, inkastoo dadka goob jooga ka ahaa dhacdadani ay sheegeen, in Askarigu diidey koox daba uugaamaysey Muuse Biixi hadana waxey dhacdadani dibada usoo saartey in dulqaad la,aan xoogan oo dhinaca dabciga ah ay ka fashilisey Muuse Biixi maadaama uu kasoo noqon waayey cadhada uu ka muujiyay iyo sida uu ugu dibna cuney Gudoomiyaha Kulmiye in talaabo deg deg ah laga qaado Askarigaasi waxaana, Askariga la baxsadey Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Cumar Sheekh Maxamed Faarax,oo  shaaca ka cadeeyay in Askarigu ku amranaa amar Xukuumadu fartey taas, oo Gudoomiyaha Kulmiye qeyb ka noqonayo Isla Xukuumadii uu Xisbi Xaakmikeeda yahey arintan ayaa, siweyn loogu falanqeeyay guud ahaanba fagaarayaasha ay dadwaynuhu ku kulmaan ee Magaalada Hargeysa iyadoo xiliga dhacdadani ku beegnaa kalahaad aroor hore.

Muuse-Biixi

Marka dib loogu noqdo dhacadadii dhex martey Askari ku wargaliyey Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi in uu soo maro Xafiiska laanta socdaalka Somaliland ee Tog-Wajaale mudo imika wakhti laga joogo markaas oo ay Gudoomiyaha iyo Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin ka talaabayeen Xadhiga u dhexeeya Xuduuda labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya Tog-Wajaale una socdaalayeen dhinaca Itoobiya waxa uu Muuse Biixi siweyn uga xanaaqey wargalinta Askarigaas oo oo uu codsadey in aanu gudbeynin ilaa loo taxaabo Askariga oo uu ku tilmaamey in uu sigaar ah ugu badheedhayo inkastoo Gudoomiye Kuxigeenka koowaad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed ka ladqabeeyay Askariga saaxiibkii hadana wuu ku guuldareystey waxaanay taasi keentey in lagu qanciyo Xadhig lagu ganaaxay Askarigaasi oo hada katirsan Ciidanka Booliska jooga Kaantaroolka Dacar-Budhuq,waxaana dhacdadaasu ku laba ahaa Askari ka codsadey in uu baadhis ku sameeyo Huteelka Damal dabaqiisa sare oo caado u ah in cid kasta lagu baadho.

Sikasta oo ay tahey waxa hadalheynta dadweynaha ee faalada dhacdadani siweyn u xasuusisey qeybo badan oo Bulshada kamid ah arimihii inta badan ku dhici jirey Madaxweyne Siilaanyo markii uu ahaa Gudoomiyaha iyo Murashaxa Xisbiga Kulmiye oo munaasibado badan makarafoonka laga celin jirey islamarkaana, u dulqaadan jirey talaabo kasta oo ay Askartu kula kacdo haba ahaato mar uu Muuse Biixi ku qanciyey Doorashadii Golaha Wakiilada ka hor in aanay Askarta horjoogsaneysaa wax dambi ah laheyn ee ay iyaga u taalo in ay eeda dusha u saaraan Xukuumada amarka siisey kadib markii lagu horjoogsadey kaantaroolka Caabudla socdaal ay ku gaadhayeen Magaalada Gabiley oo Xisbiga Kulmiye waagaas taageero badan ku lahaa isku soo wada duub oo waxey amuurtani ku noqontey Muuse Biixi Gudoomiyaha iyo Murashaxa Xisbiga Kulmiye ee jagada Madaxweynaha Waji gabax culus iyadoo laga warinayo in uu ilaa iyo hada ku jiro cadhadii uu kasoo qaadey joojintaasi Askarigu joojiyey iyadoo, Kooxaha taageeraan ay dusha uga tuureen markiiba Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Hawada .

 

Ceelgardinews.com

Hargaisa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here