NUXURKA KU DUUGAN DIIWAAN UU QORAY ASKARI KA TIRSAN CIIDAMMADA BILEYSKA OO HARGEYSA LAGU SOO BANDHIGAY

0
266

NUXURKA KU DUUGAN DIIWAAN UU QORAY ASKARI KA TIRSAN CIIDAMMADA BILEYSKA OO HARGEYSA LAGU SOO BANDHIGA

Abwaan Jaamac Faarax Yuusuf (Jaamac Xaad) oo ah Askari ka tirsan Ciidanka Booliska gaar ahaan Kooxda Wacyigelinta ee GOODIR ayaa Habeenkii jimcihii waxa uu Buug uu qoray ku soo bandhigay Huteel Imperial ee Magaalada Hargeysa. Buugan oo la yidhaahdo AFGARAD ayuu abwaanku wuxuu ku soo ururiyey qaybo ka tirsan maansooyin uu isagu curiyey oo uu culayska ku saaray Doorka iyo waajibaadka Ciidanka Booliska iyo is fahamka bulsheed, waxa kale oo uu abwaanku buugan suugaan miisaan leh ku cabirayaa horumarka bulshada, ilaalinta amniga, xuquuqal iinsaanka, aafada tahriibka iyo wax wada qabsiga. Abwaanka ayaa si farshaxanimo leh waxa uu u soo bandhigay buuga waxaanu tilmaamay inuu muddo soo waday ilaahay mahadiina uu u suuragalay inuu buugan ifka u soo saaro marxaladan maanta. Dadweynihii buugan ka soo qayb galay iyo masuuliyiintii joogtay ayaa Abwaanka ku amaanay curinta buugan iyo suugaanta ku jirta oo ah mid aad u qiimo badan, waxaanay tilmaameen inuu Taariikhda ku gelayo Askarigii ugu horeeyey ee Buug uu qoray soo bandhiga, waxaanay dadkii madasha ka hadlay ku booriyeen inuu hore u socdo.

 

Waa Kuma Abwaan Jaamac Xaad?

bwaan Jamac Faarax Yuusuf wuxuu ku dhashay gobolka togdheer magaalo madaxdiisa burco sanadkii 1969kii wax barashadiisii hoose/dhexe iyo sare wuxuu ku soo qaatay koonfur soomaaliya gaar ahaan dujuuma iyo madheedhley, Abwaan xaad wuxuu ahaa dhalinyadii ka soo qayb qaatay halgankii dibu xoraynta ee (SNM) hogaaminaysay mudadii 1988dii ilaa1991kii gaar ahaan wuxuu ka tirsanaa aagii madiina qaybtii koobaad isagoo markii dalku xoroobayna ka tegay una leexday halgan kale oo xaga wax barashada ah, Abwaan xaad markii uu ka tegey ciidamada wuxuu noqday macalin iskuulada gaarka ah iyo madaarista dhiga, Abwaan xaad waxa uu hadda ka mid yahay ciidanka booliska JSL waana abwaan ka mid ah abwaanada qaranka wuxuuna ka tirsan yahay kooxda goodir waana tiir ka mida kuwa ugu adag ee kooxdaasi ku taagan tahay wuxuuna sameeyey barnaamijyo dadka lagu wacyi gelinayo oo ka hadlaya dhinacyo badan oo arimaha bulshada.