Pogba, Lukaku, Stones, Costa, Mahrez, Sissoko, Balotelli Iyo Wararkii Ugu Dambeeyey Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartooyda.

0
437

Subax wanaagsan Bahda Sportska  meel walba oo aad nagala socotaan daafaha dunida waa Ceelgardinews.com qaybteeda Sportska oo diyaar u ah inay idinla wadaagaan wararkii ugu dambeeyey suuqa kala iibsiga.

transfer*Real Madrid ayaa Newcastle usoo bandhigtay qorshe ay hal xilli ciyaareed amaah ku siinayso labo ciyaartooy oo da’ yar Mariano Diaz, 23, iyo Marcos Llorente, 21 sano jir ah, laakiin waxay doonayaan inay heshiiska qayb uga soo dhigaan xiddiga reer France ee Moussa Sissoko, 26. (Guardian)

* “Diego waa ciyaaryahan Chelsea ah, taasna waa tan ugu muhiimsan, Aad ayuu ugu faraxsan yahay inuu nala joogo innaga” macalin Conte ayaa sidaas ku xaqiijiyey in weeraryahankiisa xanaaqa badan ee Costa kooxda sii joogi doono. “Chelsea”

* “Waxaan la soo saxiixaneynaa hal laacib oo kale, waa hubaal midaa, ma doonayo inaan ka hadlo Paul Pogba waa ciyaaryahan ka tirsan Juventus, mana ka helo in tababarayaasha kale ay ka hadlaan ciyaartoydeeda, aniguna kama hadlo ciyaartoydooda.” Jose Mourinho ayaa sidaas laga hayaa. “BT Sports”.

*Chelsea ayaa doonaysa in weeraryahanka reer France ee Loic Remmy qayb ugu dhigto heshiiska rikoorka u noqon doona Britain ee ay ku doonayso wiilkeedii hore ee Lukaku kas oo gaaraya £65m.(Daily Mail)

*Laakiin Everton ayaa doonaysa oo Chelsea u sheegtay inay la yimaadaan aduun gaaraya £75m oo kaash ah hadii ay doonayaan Lukaku kaas oo ay labo sano ka hor isla iyaga kasoo qaaten. (Sun ).

*Riyad Mahrez ayaa ugu dambayn ogolaaday inuu ku biiro kooxda Arsenal, isagoona heshiiska shaqsiga la gaaray kooxda Wenger sida laga soo xigtay wargayska dalka uu u dhashay ee Algeria kasoo baxa oo ay soo bandhigtay (Le Buteur – in French)

*Pep Guardiola ayaa ugu dambayn kooxdiisa u sheegay inuu ogol yahay in £50m lugula soo saxiixdo daafaca kooxda Everton ee John Stones, iyadoo labada kooxood farqi wayn u dhaxeeyo inay dalabka ka heshiiyaan. (Daily Mirror).

*Macalinka cusub ee kooxda Sunderland David Moyes ayaa doonaya saxiixa weeraryahanka kooxda Burnley ee Andre Gray, 25 sano jirkaan ayuu doonayaa inuu ka dhigo saxiixiisii ugu horeeyey xagaagan. (Daily Express)

Xigasho : Wargeysyada Qaarkood iyo Barta Kooxda.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here