PROF. AXMED ISMAACIIL SAMATAR OO KA DIGAY IN MARKALE DIB LOO DHIGO DOORASHOOYINKA BAARLAMAANKA

0
292

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar kamid ah aqoonyahanka waaweyn ee reer Somaliland, isla-markaana katirsan xisbul-xaakimka KULMIYE, ayaa ka hadlay sida dalka ugu baahan yahay inuu qabsado doorashooyinka Baarlamaanka iyo kuwa madaxtooyadaba inta aanu dhammaan sanadka haatan bilaabmay ee 2017-ku.

Professor-ka oo u warramay Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo katirsan Telefishanka Star, ayaa sidoo kalena shaaciyey inuu xisbiga uu katirsan yahay ee KULMIYE guntiga u giijistay sidii ugu guulaysan lahaa doorashooyinka madaxtinimada ee lagu wado inay dhammaadka bisha saddexaad ee sanadkan 2017-ka dalka ka dhacaan.

Ugu horrayn waxa uu Samatar waxa uu carrabka ku adkeeyey in qabsoomidda doorashooyinka Baarlamaanku fure u noqonayaan mustaqbal wanaagsan oo ay Somaliland yeelato, waxana uu yidhi,  “Somaliland inay doorashooyinkii madaxtinimada iyo tii Baarlamaankuba dhacaan waxa ay aad iyo aad u saamaynayaan mustaqablka Somaliland iyo halka ay ku socoto.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata, isla-markaana farta ku fiiqaya waxa dhici kara haddii ay doorashooyinkaasi mar kale dib u dhacaan, waxa uu yidhi,“Weliba Baalrmaanku way raageen waa maxay 11-sano, adduunkuba ku rumaysan maayo inaad jirto oo waxa laguu qaadanayaa inaad tahay dad aan waxbaba garanaynin, waddanka dadka ku noolina way yaabayaan haddii qawaaniintii la dhigtay iyo ballamihii la dhigtay goor walba la jabiyo waxaasi qaran-nimo ma aha, mana odhan martid qaran baan ahay ballamaha aad qaadayna aad marba mid ka tallaabsato ama aad iska harraatido.”

Professor Samatar waxa uu caddeeyey inuu diyaar u yahay oo ay ka go’an tahay guul uu xisbiga KULMIYE ka gaadho doorashooyinka madaxtinimada ee sanadkan qorshaysan,“anigu sanadkan waanigii soo galay xisbiga KULIYE, umaddana waan u macneeyey sababtii aan u galay, 2017-kana inaan xisbiga KULMIYE gacan weyn ka geysto inuu si buuxda u guulaysto ayaa iga go’an, tartanku waa adag yahay oo dad kula mid ah oo karti leh ayaa labada xisbi ee kalena ku jira oo wax la yaraysto ma aha, laakiin xaggayaga waa inaanu dedaal keeno oo dedaalkaasina keeno guul caddaan ah oo aan cidina ka murmi Karin” ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Samatar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here