Qaabka ugu haboon ee dhaqaalaha dalka loo kobcin karo loona yarayn karo sixir bararka

0
479

Dhaqaalaha : Sidee loo Kobcin Karaa Dhaqaalaha Dalka , Loo Yarayn Sicir-bararka Loona Samayn Karaa Shuruuc Fudadaynaysa

Waxaa muhiimadeeda leh in maanka lagu hayo dariiqa ugu fudud ee looga midho dhalin karo habsami u socodka koboca dhaqaalaha, xakamaynta sicir-bararka iyo samaynta xeerar iyo shuruuc lagu horumariyo, qaabka ugu dhow ee loo dhigi karaana waxa uu noqonyaa sidan

Kobaca Dhaqaalaha

Waa maxay Koboc dhaqaale?

 

Koboca dhaqaale waa sare u kaca joogtada ah ee  wax soo-saarka dhaqaale wadan  xili go’an.

Waa boqolkiiba inta ku kordhaysa wax soo-saarka dhaqaalaha wadankaas ee ka soo baxay gudihiisa ee ay soo saareen muwaadiniinta iyo ajaanibka xili go’an.

Koboca dhaqaalaha waxaa kale oo lagu cabiraaa GDP ama GNP.   waa maxsuulka wixii dhaqaalaha la soo-saaray adeeg ama wax soo-saar sanad go’an.

Kobaca dhaqaaluhu waa nooc ka mid ah halbeegyada lagu cabiro caafimaad-qabka dhaqaalaha wadan. Wuxuuna kor u qaadaa dakhliga  soo gelayaa iyo shaqaalaysiinta  taas oo sii kordhisa heerka nololeed ee bulshada

Koboca dhaqaaluhu wuxuu xoojiyaa dakhliga dawlada taas oo u sahasha xukuumadu inay hagaajiso arimaha saamaynaaya  miisaaniyadda dawlada si ay ula jaanqaado korodhka bulshada wadankaas ee u baahan adeegyada aasaasiga iyo horumarka.

 

Maxaa keena koboca dhaqaalaha?  Koboc dhaqaale waxaa keena todoba  qodob

a) Ka faa’iidaysiiga Khayraadka dabiiciga (Natural resources)

b) Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha/ (Infrastructure/physical capital)

c) Korodhka xooga bulshada(Labor )

d) Kor u qaadista tayada aqoonta iyo xooga bulshada( Human capital)

e) Casriyaynta Farsamada wax soo- saarka(Technology)

f) Xeerar-san iyo siyaasadaha dhaqaale oo hufan.

g) Hogaaminta Toosan

Maxaa hoos u dhiga kobcinta dhaqaalaha?

a) Hoos u dhaca adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada ee wadan( Health and Education).

b) Horumar la’aanta kaabayaasha dhaqaalaha ee wadan(Poor infrastructure)

c) Duulista maalgashiga (Capital flight)

d) Xeerar iyo siyaasada xumada ( Institutional framework)

e) Deganaansho la’aanta siyaasada wadan

Waa Maxay noocyada kobcinta dhaqaalaha wadan?

a) Gedgedoonka meertada ganacsiga

b) Kordhinta dhoofinta wax soo-saarka wadanka

c) Kor u qaadista isticmaalka adeega ama wax soo-saarka isticmaalayaasha

d) dhoofinta khayraadka dabiiciga ah sida  (Macdanta, shiidaalka ,dalaga beeraha kaluunka )

Waa Maxay Galdaloolada uu yeelan karo koboca dhaqaale?

a) waxyeelada deegaanka wadan

b) sinaan la’aan dhaqaale

 

Sicir-bararka waa korodhka ku yimaada qiimaha iibka ee adeegyada joogtada      Wuxuuna  ka yimaado dhanka kharashka alaabta iyo sare u kaca dakhliga jeebka isticmaalayaasha. Wuxuu u qaybsamaa saddex nooc oo kala ah sicir barar ka yar 10% loona yaqaan (Moderate inflation) sicir barar kayar 99% loona yaqaan(Glopping inflation)  iyo sicir barar ka badan 100%  loona yaqaan (Hyperinflation.)

Sicir bararka waxaa lagu yarayn karaa siyaasada lacageed oo hufan iyo hagaajinta hay’adaha ku shaqada leh dhaqaqaaqa lacagta iyo kobcinta farsamada maamulka lacagaha casriga ah.

Waxaa loo samayn karaa shuruuc iyo nidaam wanaagsan

Hagaajinta hay’adaha siyaasada sida xisbiyada iyo nidaamka dawladnimada

Sixitaanka nidaamka iyo sharciga wadanka

Ilaalinta laamaha ku shaqada leh korjooga iyo kormeerka

Diyaarinta xeerarka laga qaybgeliyay bulshada

Xoojinta hantida iyo qaabdhismeedka shacabka

Kala saarista haya’daha dawlada

Dhamaystirka xeerarka saamaynaaya ganacsiga iyo maaliyada

 

Marka hadaba si xaqiiqa loo dhaqaajiyo arimahaasi waxay abuuri karaan dhaqaale xoogan oo meesha ka saara sicir-bararka iyo saboolnimada waxaana jiraya shuruuc dan u ah horumarka nidaamka dhaqaale

 

 

 

 

Mubaarik cismaan siciid (Mubaarik nirig )

Tellphone 0634440181

Email saaxil181@gmail.com

(wargeyska jamhuuriya iyo Sahan tv )

Berbera /Somaliland

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here