Qadar Iyo Soomaaliya Oo Qorsheyaal Dhagaraysan Oo Ka Dhan Ah Heshiiska Dp-World Ka Dhex Abaabulaya Gudaha Dalka Somaliland Iyo Dhalinyaro Lacago Loo Qaybinayo

0
403

 

Hargeysa ( Ceelgardinews.com )-Warar xog ogaal ah oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa daaha ka rogay qorsheyaal iyo hawlgalo dhagaraysan oo ay dabada ka wadaan Dawladaha Qadar iyo Soomaaliya oo laga dhex wado Gobolada Dalka Somaliland iyo qaar ka mid ah Caasimadaha dalka kuwaasi oo lagu wiiqayo Heshiiska Sadex geesoodka ah ee ay Somaliland la gashay Shirkada Dp-World iyo Dawlada Itoobiya ee aynu jaarka nahay.
Dalwadaha Qadar iyo Soomaaliya ayaa markii ay ka quusteen inay si kale wax uyeelaan Heshiiskan Maalgashi ee Dp-World ayaa waxa ay ku hawlan yihiin Sidii ay kacdoono uga dhex samayn lahaayeen Somaliland gudaheeda iyadoo gaar ahaan dawlada Qadar sida la sheegay ay hawsha dhinaca kharashka bixinayso,waxaana ay qorshayaashani iskugu jiraan dhawr nooc. Qorshe ay ku doonayaan inay ciidamo jabhad ah ka dhex sameeyaan qaar ka mid ah Gobolada Somaliland iyo qorsheyaal laga dhex abaabulayo Magaalooyinka Waa weyn ee Somaliland oo dhalinyarta bilaa camalka ah lagu beegsanayo,islamarkaana lagu abaabulayo inay sameeyaan fikrado iyo doodo dadka lagu marin habaabinayo oo ka soo horjeeda Heshiiska Maalgashiga Dekeda Berbera ee Saddex geesoodka ah ee ay wada galeen Somaliland,Dp-World iyo Dawlada Itoobiya.
Warar xog ogaal ah oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa iftiimiyay in Goobaha ugu horeeya ee ay doonayaan islamarkaana ay diirada ku hayaan labadaasi dawladood inay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka abaabulaan ay ka mid yihiin Deegaamo ka tirsan Buuhoodle iyo Deegaamo ka tirsan Bariga fog ee Gobolka Sanaag halkaasi oo sida la sheegay ay haddaba ku sugan yihiin Dad awr kirooleyaal ah oo ay soo dirteen kuwaasi oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Deegaankaasi islamarkaana u fududaynaya hawlgaladaasi dhagaraysan ee lagu wiiqayo horumarka Qaranka Somaliland.
Dhinaca kale waxa hawlahaasi garab socda oo ay wadaan inay dhinaca Warbaahinta adeegsadaan oo ay ku faafiyaan afkaaro lidi ku ah Mashruucan,waxa ay sidoo kale wadaan inay dhinaca Baraha Xidhiidhka Bulshada(Social Media) lafteeda doodo lidi ah Mashruucan ka sameeyaan oo ay dhalinyartan afkaartooda huwan u adeegsadaan iyadoo lacago ku bixinaya arimahaasi.

 

 

 

Xigasho Wargeyska Foore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here