Qalalaasaha Tigray: Abiy Axmed, Nabaddoonkii gobolka muxuu dagaal u doorbiday

0
651

Abiy Axmed ayaa ku guuleystay billadda Nababadda ee Nobeel-ka, waxayna guddiga sheegeen inuu biladda ku muteystay doorkiisa xalinta khilaafaadka xadka ee kala dhexeeya Ereteriya, iyo kor u qaadista nabada iyo dib u heshiisiinta dalkiisa iyo guud ahaan Bariga Afrika.

Sannadkii 2018-kii Abiy waxaa uu dhaxlay waddan uu hareeyay khilaaf aan la xallin karin oo ka jiray xuduudda dhanka woqooyi, oo ah gobol ay xasillooni darradu si weyn dib ugu dhigtay horumarkiisa dhaqaale.

Dhawr bilood gudahood, wuxuu heshiis nabadeed la saxiixday Eritereya oo ah dal ay Itoobiya la gashay dagaal culus.

Si hadafkaas loo gaaro wuxuu Abiy ballanqaaday in uu wareejin doono dhul si aad ah loogu muransanaa, gaar ahaan magaalada Badme, oo ah halkii ay ka dhaceen dagaalladii cuslaa, sanadihii 1998-kii iyo 2000, kuwaas oo tobannaan kun oo qof ay ku naf waayeen.

Abiy Axmed ayaa sidoo kale lagu amaanay in uu Itoobiya u horseeday isbadallo muhiim oo dhanka dimuqraadiyad ah iyo dadaalkiisa xallinta khilaafaadka meelo kale oo gobolka ka mid ah.

Aabihii Axmed Cali oo geeriyooday sannad ka dib markii uu xilka Ra’iisul Wasaaraha qabtay wiilkiisa, wuxuu Abiy ku tilmaamay “wiil saaxiib la ahaa qof walba.” Wuxuu hadlkaas ku sheegay wareysi uu siiyay BBC, bishii July, 2018.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here