Qalalaasaha Tigray: Maleyshiyaadka maxalliga ah “ee ka adkaaday” militarigii awoodda badnaa ee Itoobiya

0
345

Tan iyo markii uu dagaalka Tigray ka billowday dalka Itoobiya waxaa sii xoogaysanayay eedeymaha dowladda Itoobiya loogu jeedinayo inay garab militari ka heleyso dalal kale. Hadda waxaa xigtay in qaar ka mid ah ismaamul goboleedyada uu ku jiro kan Soomaalida ay ciidamo u diraan gobolka Tigray.

Warbaahinta caalamka ayaa muddooyinkan hadal haysay sida ay malayshiyaad maxalli ah ugu babac dhigeen militarigii awoodda badnaa ee dalka Itoobiya.

Wargayska New York Times ayaa maqaal uu qoray ku sharraxay in wariyeyaal ka tirsan shaqaalihiisa ay si dhow ula socdeen qaabkii ay xoogagga Tigray ula dagaallameen militariga dowladda Itoobiya.

Muddo siddeed bilood ah ayay xoogagga TPLF dagaal qaraar kula jireen militariga xukuumadda, kaddibna waxaa soo muuqatay in ay ka guulaysteen, sida uu maqaalka ku sheegay Times.

Ciidanka Tigray

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Intii uu dagaalka socday lama heli karin adeegyada isgaarsiinta, dhowr bilood kaddibna waxaa mar qura laga war helay in maleyshiyaadka TPLF ay dib u qabsadeen qaybo ka mid ah gobolka oo ay ku jirto caasimadda Maqalle.

Bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay ayay ciidamada federaalka Itoobiya xoog ku qabsadeen gobolka Tigray, iyagoo dilay qaar ka mid ah madaxdii xisbiga TPLF.

Hase yeeshee toddobo bilood ayay dhinacyada dagaal xeelado kala duwan la adeegsaday ku jireen, ilaa markii dambe dib loo soo riixay ciidamada federaalka.

.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Xilligaas wixii ka dambeeyay waxaa isasoo taraya gurmadka ay helayaan ciidanka dowladda uu Ra’iisul Wasaaraha ka yahay Abiy Axmed.

Waddamo ay ka mid yihiin Eritrea iyo Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inay ciidan geeyeen Tigray si ay uga barbar dagaallamaan militariga Itoobiya ee wajahayay xoogagga TPLF, inkastoo labada dowladood ay beeniyeen arrintaas.

Eritrea oo xuduud la wadaagta Tigray ayaa marar badan gaashaanka u daruurtay in ay ciidamo ka joogaan Itoobiya, inkastoo markii dambe a sheegay in halkaas laga saaray.

Sidoo kale, Qaramada Midoobey waxay sheegtay in ay soo gareen warar sheegaya in ciidamada Soomaaliya lagu arkay magaalada Qaddiimiga ah ee Aksum ee Tigray iyaga oo ka barbar dagaallamaya ciidamada Eritrea.

Laakiin Dowladda fedaraalka ee Soomaliya ayaa bishii January beenisay in ciidamo Soomaali ah oo tababar u joogay Eritrea ay ka qeyb qaateen dagaalkii ka dhacay Tigray.

Wasiirka warfaafinta ee dowladda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo xilliggaas BBC la hadlay ayaa sheegay in aysan gabi ahaanba jirin ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliya oo ka dagaalamay gobolka Tigrey.

“Ma jiraan ciidamo Soomaaliyeed oo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka dagaalamay waqooyiga Itoobiya iyo gobolka Togrey, sabab ay u dhacda-na ma jirto, cid naga codsatay na ma jirto,,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta.

Dagaalkii ka dhacay Tigray

XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Waxaa qaylo dhaan badan laga muujiyay xasarad bani’aadannimo ay ka dhalatay colaadda.

Itoobiya ayaa lagu yaqaanay inay ahayd mid ka mid ah dalalka ugu awoodda badan qaaradda Afrika, ciidankeeduna ay ahaayeen kuwo cudud weyn leh.

Qiimayntii awoodda dalalka caalamka ee uu sanadkan sameeyay wargayska Forbes ee ka faallooda arrimaha militariga ayay Itoobiya kaalinta toddobaad uga jirtay qaaradda Afrika, halka ay guud ahaan caalamka oo ah 140 ay uga jirtay kaalinta 66-aad.

Awoodda milatari ee Itoobiya

Itoobiya waxay ka mid tahay waddama ugu awoodda badan qaaradda Afrika, marka laga soo tago waddamada kaalmaha ka horreeya ku jira ee Afrika, oo kala ah 1- Masar, 2-Algeria, 3-South Africa, 4-Nigeria, 5-Morocco iyo Angola.

Milatariga Itoobiya waxay bishii November dagaal culus la galeen xoogagga Tigray

XIGASHADA SAWIRKA,OFFICE OF THE PRIME MINISTER-ETHIOPIA

Qoraalka sawirka,Milatariga Itoobiya waxay bishii November dagaal culus la galeen xoogagga Tigray

Sida ku xusan warbixinta uu diyaariyay wargeyska Global FirePower, tirada shacabka Itoobiya qiyaas ahaan waa 108,386,391.

Tirada dadka ku biiri kara ciidamada waxaa lagu qiyaasay 41,143,474 ruux, oo u dhigma 38.0%, oo ka mid ah shacabka guud.

25,508,954 oo qof ayaa awood buuxda u leh inay ka mid noqdaan ciidanka.

Sanad kasta tirada dadka ay da’dooda soo gaadho heer ay ciidanka ku biiraan waa 1,989,698 qof.

Tirada ciidanka milatariga Itoobiya ee hadda shaqeeya waa qiyaastii 162,000 oo askari, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global FirePower. Ma jiro ciidan keyd u ah milatariga Itoobiya.

Awoodda Ciidanka Cirka – Itoobiya

Awoodda ciidanka cirka ee Itoobiya waa 86.

Itoobiya waxay leedahay:

24 diyaaradaha dagaalka ah.

9 saanadda kala gudbiya.

20 loogu talagalay tababarka.

33 diyaaradaha qumaatiga u kaca ah.

8 diyaaradaha qumaatiga u kaca ee weerarrada fuliya ah.

Itoobiya ma laha diyaarado loogu talagalay howlgallada khaaska ah.

Awoodda Ciidamada Dhulka – Itoobiya

.

XIGASHADA SAWIRKA,OFFICE OF THE PRIME MINISTER-ETHIOPIA

400 taangi.

114 gawaadhida gaashaaman.

67 madaafiicda iskood isku haga.

650 madaafiicda la jiido ah.

183 qalabka lagu rido gantaallada ah.

Awoodda Ciidamada Badda – Itoobiya

Itoobiya ma laha awood dhinaca ciidanka badda ah, sida uu xogtiisa kusoo bandhigay wargeyska sanad kasta qiimeeya awoodda milatari ee wadamada caalamka.

Taasi waxay ka dhigan tahay in Itoobiya aysan lahayn ciidan kuwa badda ah iyo maraakiib toona.

Dhaqaalaha ku baxa dhinaca milatariga – Itoobiya

Miisaaniyadda loo qoondeeyo howlaha gaashaandhigga ama difaaca ee dalka Itoobiya waa $350,000,000 oo doolar.

Deynta dibadda waa $26,050,000,000.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here