Qaybtii 3aad BURBURKII NIDAAMKII MSBARE SAADAASHII RUMOWDAY LABA NIN OO UU SHEEGAY INAY SOMALIYA XUKUMI DOONAAN Qalinkii Cali-Mahad Yuusuf Saleebaan

0
363

Berbera (Ceelgardinews.com) Dhinaca kalena waxaa jira Sheekooyin daaha ka rogaaya arimo MSBare sii sheegay mudadii uu awooda gacanta ku hayey, saadaal rumowday iyo xaqiiqo rasmi ah ayaanay noqotay . qoraalada lagu soo bandhigayna waxaa kamid ah Buuga Hadimadii Gumeysiga ee Qoraaga C/qaadir –Oromo 2004 soo saaray boga 239 waxa uu kusoo qaatay Odayaal Mareexaan ah oo MSBare uga waramay heerka uu taaganyahay Nacaybka umaddu u qabto iyo godobta uu u beeray Beesha Mareexaan taasoo keeni doonta in lafihiisa la gubo.

Balse MSBare wuxuu odoyaashii ugu jawaabay anigu waxaan noqon doonaa Halyey qaran oo haybad leh waxaana iman doona Rag iga naxariisdaran oo wixii dhib kacaanku geystay. Mid kun jeer ka badan samayn doona, odoyaashii oo aad ula yaabay hadalka MSBare wuxuu tilmaamay cida isaga dabadii iman doonta oo ah MFCaydiid iyo C/laahi Yuusuf gaboodfalka ay geystaan ayaa taariikhdayda qurxin doonta, jiritaanka Sheekadan oo markii iigu horaysay aanan wada rumaysan mararka qaarna iila muuqatay xog aan sugnayn. Balse mar kale ayay I hortimi iyadoo cadayn buuxda wadata Buuga CODKARKII CAANKA AHAA ee uu Qoray Suxufiga Da’da yar Mustafe Cismaan Magaalo oo Xambaarsan Waayihii iyo wixii laga yidhi Weriye Axmed Xasan Cawke Geeridiisa kadib qormo kamid ah qoraalada Buugan khaasatan Bogaga 98-99 waraysi qoraagu la yeeshay Daahir Maxamuud Xaddi waxaa ku jirta Sheeko dhexmartay Axmed Xasan Cawke oo ahaa Weriyaha gaarka ah ee M/weynaha iyo Jaale MSBare. Run ahaantiina waa xog muhiimad weyn ku fadhida oo xambaarsan sida uu noqon doono mustaqbalka Hogaamineed ee madaxda isaga ka dambaysa. Waxaana MSBare ku yidhi Cawke iga qor hadaad iga dambayso

-SNM soo dhaafi maayaan Hargeysa

-Ina Cumar Jees (Gudoomiyihii Jabhada SPM) Afmadow soo dhaafi maayo.

-MSBare wuxuu tilmaamay inay isaga dabadii iman doonaan MFCaydiid iyo C/laahi Yuusuf, midna dalkaan uga yaabanahay midna Dadkaan uga yaabanahay inuu dhameeyo. Waxaanu sheekada kusoo xidhay Anigu digtaatoor ma ahiye maalintaan dhaco ama dhinto ayaa lay Alla baryi doonaa oo la odhan doonaa Alla Maxamed Baa khayrqabay. Hadaba marka dib loo jaleeco taariikhda ee Madaxdii ka dambaysay Nidaamkii MSBare waxaa Somaliya soo xukumay Lix nin oo Caalamku u aqoonsaday M/weynayaal, Cali Mahdi ilaa Farmaajo iyo 11 Ra’iisalwasaare oo iyagu ay doorteen waxaana marba marka xigta kor usii kacaya dhibta iyo jahawareerka taagan, dadka siyaasada ka faaloodaa ayaa ku fasiray inaan rajo dhow laga qabin in Soomaaliya hesho Nidaam Hal abuur diblomaasiyadeed leh oo soo jiita dareenka umadiisa, isla markaana kasbada Kalsoonida shacabka.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here