QEYBTII LABAAD EE WARAYSI XIISO KU LADHNAA OO MADAXWEYNE-KU-XIGEENKA SOMALILAND KAGA JAWAABAY SU’AALLO LAF-GURKOODU KU BADAN YAHAY RA’YUL-CAAMKA BULSHADA

0
321

Hargaysa (Ceelgardinews.com) Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ahna Murrashaxa madaxweyne ku-xigeenka ee xisbiga KULMIYE u matali doona doorashadda madaxtooyadda ee lagu wado inay dalka ka qabsoonto bisha march ee kal-dambe, ayaa ka hadlay aragtidiisa la xidhiidha tallaabadii Guddoomiye Ku-xigeenkii labaad iyo saddexaad ee laga saaray xisbiga KULMIYE toddobaadkan, waxaanu sheegay inay ahaayeen rag muhiim ah oo xisbiga xoog badan soo geliyay hase yeeshee ay ku kala tageen fikirka iyo siyaasadda. Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland waxa uu sidaasi ku sheegay qeybtii labaad ee waraysi dheer oo uu Arbacadii siiyay weriyeyaal ka socda warbaahinta xukuumiga ah ee DAWAN Media, qaybtanna waxaa uu kaga hadlay asbaabaha keenay in dawladda KULMIYE ay ku jiraan masuuliyiin badan oo ka tirsanaan jiray xukuumadii hore ee xisbiga UDUB iyo sida ay u wada shaqeyn karaan isaga iyo Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi haddii ay ku guulaystaan doorashadda madaxtooyadda ee lagu wado inay Somaliland ka qabsoonto bisha March 2017-ka Waxaanu u dhacay sidan:-

Madaxweyne-Ku-xigeenka

Su’aal: Markii labaad ayaad madaxweyne Ku-xigeen u sharaxan tahay, dad badan baa is weydiiyay maxaad adna u tanaasuli weyday ama madaxweyne iskugu sharixi wayday?

Jawaab:Horta taasi waa wax la soo dhaafay oo hore,ayaan uga jawaabay wakhigeedii laakiin mar kale haddii aan ka jawaabo waxaa jirta arrin dastuuri ah oo ah in Madaxweyanaha iyo ku-xigeenku ay xaq u leeyihiin in ay laba goor tartamaan markaa labadaa goor ee dastuurku I siiyay ayuun baan tartamayaa. Madaxweynuhuna isaga oo xaq u leh in uu tartamo ayuu tanaasulay aniguna waan tartamayaa wax dhib ah oo taa ku jirtaana ma jirto oo waa wax sharcigu I siiyay qofkuna waxaa uu sharciga u leeyahay waanu ka tegi karaa waanu qaadan karaa laakiin waxaanu ka tegi karayn waxa isaga sharci loogu leeyahay.

Su’aal:waxaa la idinku dhaliilaa in aad mucaaridnimadii ku wacnaydeen oo dawladnimadii aad uga maarmi waydeen Madaxdii Xisbigii UDUB oo maanta xilal ka yahaya Xukuumadda,taa maxaa sabab u ah?

Jawaab: Horta maanta xisbi UDUB la yidhaahdaa ma jiro. dadkuna waa wada muwaadiniin. markaa iyadoo aan la xumaynayn qofka KULMIYE ah haddii la garto in qof xukuumaddii hore la soo shaqeeyay in uu shaqada loo igmanayo ku wanaagsan yahay waa loo dhiibi karaa, Madaxweyne kastaana si ayuu u fikiraa oo hoggaaminta waa lagu kala duwan yahay.

markaa Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo isagoo dalka hagaya annaguna aanu garabkiisii nahay oo aanu hareeraha ka wada joogno haddii uu gartay in ay xilal qabtaan rag UDUB soo ahaa waxaan is leeyahay waa tallaabo wanaagsan oo ay ahayd in nalagu ammaano sababtoo ah Xisbigii naga horreeyay ee UDUB iska daa in qof KULMIYE ah xil loo dhiibee muwaadinka na taageera ,ayaa shaqo hoosaadka laga eryi jiray laakiin annagu waxaanu dadka tusnay in dalka la wada leeyahay loona wada shaqaynayo.”

Su’aal: waxaa dhawaan xilkii laga qaaday laba guddoomiye ku-xigeen oo KULMIYE ah waana xildhibaanno Wakiiladda ka tirsan markaa sidee Xisbiga looga saari karaa mudaneyaal iyagoo wali ah?

Jawaab: Horta labadaa masuul waa laba masuul oo nagu qaali ah isla markaana aanu qadarin iyo ixtiraam badan u hayno, kana mid ahaa raggii ka soo shaqeeyay in KULMIYE tallada dalka ku guulaysto wax badana xisbiga u soo qabtay laakiin waa la kala aragti duwanaaday oo waxay ku qanci waayeen wixii aqlabiyadu ahayd oo waxay diideen ergadii Madaxweynaha oo waxay diideen ergadii anigoo Madaxweyne ku-xigeenkii ah oo waxay diideen go’aamadii ka soo baxay shirkii golaha dhexe ee ay isku raaceen aqlabiyadda xisbiga oo aan tiro yar ahayn ee ah 90% iyo shan markaa annagoo qadarin badan u hayna oo ixtiraamayna haddii la wada socon kari waayo in la kala tago laakiin go’aanka ay soo saareen guddiga fulinta waxaa ansixinaya oo lagu go’aaminayaa shirka Golaha dhexe ee soo socda muddo shan bilood ahna nimankaa aanu saaxiibada nahay waxaa laga dhur sugayay in ay ergada naga aqbalaan laakiin dhankooda ayaa wax walba nagu diiday,laakiin ta xisbiga ee laga qaaday iyo iskuma xidhna xildhibaanimadoodu oo xildhibaanada way ahaanayaan oo waa loo doortay oo cod ayay ku fadhiyaan.”

Su’aal:Madaxweyne ku-xigeen waxay dad badani is waydiinayaan adiga iyo Guddoomiye Muuse Biixi oo labadiina xirfadood kala duwan yihiin sidaad u wada shaqeyn kartaan, maxaad dadka fikradan qaba ku qancinaysaa?

Jawaab: Horta Aadamigu waa kala aragti iyo kala dabeecad, kumana xidhna aqoonta ay bartaan is fahamkoodu laakiin waxay ku xidhan tahay dabeecadooda waxaana tusaale kuugu filan muranku waxaa uu ka dhex bilaabmaa qoys kaliya oo nin iyo gabadh ah waxaana dhacda in ay kuba kala tagaan. waxa kale oo jirta in qoyska is dabeecad fahmaa in uu waligii dhisnaado, Markaa millatari iyo shicib laguma kala tago laba millatari wada ah ayaan is fahmin oo ay dhexdooda ka qaraxdaa laba wada shicib ah ayaa wada socon kari waaya taasina waa dabeecadaha aadamaha. markaa aniga iyo Guddoomiye Muuse imika muddo badan ayaan soo wada shaqaynaynay oo aanu isla soo jabnay oo aanu hawlo badan soo wada marnay. markaa markay dadku in badan soo wada shaqeeyaanna labadooda dabeecadood way is fahmaan ama way kala tagaan markaa aniga iyo Muuse maanta laba dabeecadood oo wada shaqayn karaya oo is fahmay ayaanu leenahay, wax dhibaato ah ama culays ahina wada shaqayntayada ma dhex yaallo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here