“Qoraalka PDF Ka Ah Ee Aan Dhamayn Ee Buugga Miyiga Ilaa Madaxtooyada” Ee Internet Ka La Soo Geliyay Waa Tuugo Laga Soo Xaday Madbacaddii”Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xassan

0
660

Hargeysa ( Ceelgardinews.com)-Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa si kulul Ubeeniyay Qoraalka buug uu qoray oo isagoo oo PDF Ah lagu baahiyay internet isagoo sheegay in aanay jirin meel uu ku fasaxay baahintiisa  laga been abuuray warqada lagu sheegay in uu ku fasaxay baahintiisa taasi iyana lasoo dhigay  baraha bulshada oo lagu sheegay in uu ku fasaxay baahida buugiisa .

BUUGA XIRSI

Dhanka hogaamiye xirsi ayaa shaaciyay in qoraalka buuga “Miyiga ilaa madaxtoyada” in si tuuga ah looga xaday shirkadii diyaarintiisa gacanta ku haysay.

Xirsi Ayaa qoraal uu arimahaasi ku beeninayo ku baahiyay qoraal kooban oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga.

Wuxuna Udhignaa Sidan;

“Qoraalka PDF ka ah Ee Aan Dhamayn Ee Buugga Miyiga Ilaa Madaxtooyada” ee Internet ka la soo geliyay waa Tuugo laga soo xaday Madbacaddii Iyo dadkii ku Hawllanaa Diyaarinta Buuggaas. Warqadda lagu sheegayo in Qoraalka PDF ka ah Aan ku fasaxayna waa been Abuur ay sameeyeen kuwii Xaday. Qofna Umaan fasixin. Ayuu ku  yidhi  Qoraalkiisan Xirsi Cali Xaaji Xasan