“Ragga calooshii la ciyaar iyo ciil kama koraa u daran…..”

0
471

“Ragga calooshii la ciyaar iyo ciil kama koraa u daran…..”

Berbera (Ceelgardinews.com) Soomaalidu waxa ay tidhaahdaa, noolayaasha inta caqliga leh mid ba meel ayuu caqligu kaga jiraa; dugaagga sanka ayuu kaga jiraa, baalallayda baalasha ayuu kaga jiraa, carruurta indhaha ayuu kaga jiraa, raggana maskaxda ayuu kaga jiraa, halka uu xoolahana caloosha kaga jiro…….!

Haddaba, waxa layaab ah in la arko rag caqligu caloosha kaga jiro oo ay calooshoodu maamulayso, waddo wal ba oo ay u tilmaantana indho la’aan ku maraaya. Waxa soo gadaal baxay dar sidii xoolo dhaameel eryanaaya wax ay caloosha geliyaan uun u ordaaya oo halgamaaya.

Waxa ceeb ah in hamigaaga, hadafkaaga iyo himiladaadu ahaadaan quud iyo urquun raadin. Waxa wax laga yaqyaqiiqsado oo laga yaxyaxo ah, jeeb-buuxsi iyo calool-buuxsi. Waxa nacasnimo weyn ah, in aad fikirkaaga iyo yoolkaaga ku soo ururiso, sidii aad u heli lahayd wixii aad berri cuni lahayd.

14011840_589782414528527_1297838403_n

Maanta, madaxda Soomaaliyeed meel ay joogaan ba, ilaa iyo inyar oo faro-ku-tiris ah mooyaane waa kuwo ka ilduufsan oo mooggan waddadii iyo hillinkii horumarka umadda ay hogaaminnayaan. Waxa ay ku mashquulsanyihiin jeebkooda. Waxa ay ka mashquulsanyihiin wixii loo igmaday. Inta ugu badan waxa ay ka fikiraan dheeftooda shiqsi ahaaneed, halkii ay ka fikiri lahaayeen dheefta guud ee ummadda. Waxa dhacda in marar badan ay Dhuuni-raacyadu u dhibaateeyaan ummadda sidii ay iyagu uga dhex dheefi lahaayeen – caqligoodu kama maanaco in ay dheeftaan, dheef ay ka soo soko martay dhibaataynta dhibanayaal hore loo dhibay!

 

Dhuuni-raacyada iyo Dhuuni-laacyada Soomaaliyeed melkastaba ha joogaanne, waxa ay dhaqan iyo dhabbp la raaco ka dhigeen, dhaca iyo boobka xoolaha dad weynaha. Waxa ay dhuunta mariyaan iyo waxa ay dhaysta geliyaan, midna iskuma hawlaan in ay ka baaqi iyo beri yeelaan duul duulka hantida dadweynaha, ilaa iyo inyar oo xalaal-miirato ah mooyaane.

 

Dar badan oo masuullo iyo madax loo igmaday ma aaminsana oo ma ogsoonna, in boqolka shilin ee jeebkooda kaga soo leexday maqalka dadweynuhu uu umadda oo dhan ka dhaxeeyo, qaar kale na way yaqiinsanyihiinne arrinta way yar yaraysanayaan.

 

Geela ayaa loogu heesi jiray;

“Ninna dhaqashuu, kuu dhex jooggaa.

Ninna dhimashuu kuugu dhiiraday….”

Haddaba, madaxda qaar ayaa jira xoolo ummaddeed oo ku soo leexda daaye, xoolihiisa ku shuba xerada xoolaha dadweynaha. Waa ragga aan calool keli ah ka fikirin ee ka fikira, malaayiin caloollood oo  maati iyo masaakiin bal eh. Waa ragga aan qoys keli ah ka fikirin ee qaran idil iyo quruun dhan ka fikira. Waa ragga aan dan keli ah ka fikirin ee dan guud iyo dal dhan ka fikira. Waa ragga horumarka ummad dhan u ooman ee aan hirgalka axad qudha u ordin.

 

Ujeeddada iyo macnaha in maamul laguu dhiibo oo madax lagaa dhigo maaha in aad waxoogaa dhaqaale ah urursato, waa se lagu maamuusay oo laguu door biday in aad maamusho shaqo iyo shaqaale. Waa in aad xaqaaga, xaqa shaqada, xaqa shaqaalaha iyo xaqa ummadda kaleba garataa, markaas Allena xaqa wuu ku waafajin insha Allah. Haddaadse xatooyo doonto, adna xadhiggaa maleegan, kabtaana ma yeelna.

 

Ugu dambayntii, xalaasha iyo waddada toosani way qeexanyihiin, xaaraanta iyo xumaantuna way qaawanyihiin. Qofkasta oo caqli lehna waxa la gudboon in uu garaadka kaashado oo danta guud iyo ta gaar ahaanneed mid wal ba waajib ka iyo waddada ay leedahay uu mariyo. Haddii aad masuul iyo maamule tahay oo aad ummad masuulka ah tahay, waxa aad heshay fursad aad janno ku mutaysan karto. Noqo maamule caadil ah, waxa laga yaabaa in Alle cadaabka kaaga badbaadiyo oo janno kugu abaalliyee.

 

W/Q C/naasir Cali C/raxmaan (Hibo-maal Afrika)