Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka dalka iyo Wakiilka QM oo ka wadahadlay arrimaha doorashada

0
284
linkedin sharing button
messenger sharing button
whatsapp sharing button
email sharing button– Ra’iiisal Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guulleed Khadar iyo wakiilka gaar ah ee Qarramada Midoobey James Swan oo ku kulmay magaalada Muqdisho ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka dalka.

James Swan ayaa maalmihii ugu danbeeyayba wadday kulamo gooni gooni ah oo uu la lahaa hoggaamiyayaasha Soomaalida oo ay quseyso doorashada.

 

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan ayaa dhowr jeer waxaa uu ugu baaqay saamileyda siyaasadeed ee dalka inay xal ka gaaraan Arrimaha doorashooyinka.

Wali waxaa taaggan khilaaf u dhaxeeya Villa Soomaaliya, qaar ka mid ah madaxda dowlad gobollleedyada dalka iyo musharixiinta mucaaradka kaasoo la xiriira sida ay dowladdu u maamuleyso doorashada oo loo arko mid hal dhinac u daneynaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here