Raysal Wasaare Rooble oo la kulmay Guddiga amniga doorashooyinka

0
265
whatsapp sharing button
email sharing button
Ra’iisul Wasaaraha  Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Guddiga amniga doorashooyinka, kuwaas oo isugu jira Taliyeyaasha Booliiska heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed, Gobolka Banaadir iyo Taliska AMISOM.

Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo dardargelin lahaa howlaha horyaalla Guddiga Amniga, isla markaana ay u xaqiijn lahaayeen hannaanka amniga ee doorashada iyo goobaha ay ka dhaceyso.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay xubnaha guddiga amniga masuuliyadda adag ee loo xil saaray in ay u gutaan si mas’uuliyadi ku dheehan tahay.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa leh hoggaaminta hannaanka doorashooyinka, gaar ahaan kor joogteynta iyo la xisaabtanka guddiyada kala duwan ee ka shaqaynaya doorashada.

Guddiga amniga doorashooyinka ayaa Ra’iisul Wasaaraha warbixin ka siiyey shaqooyinka ay qabanayaan ee ay ka mid tahay in goobaha ay ka dhaceyso doorashada la geeyo ciidammo Booliis ah oo isugu jira heer Fedaraal, heer dowlad goboleed iyo AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here