Reer Berbera oo ka cadhooday Hadaladii Muuse Biixi+Xubno ka mid ah Xukuumada oo diiday inay Bixiyaan Dhaqaale lagu Bixinlahaa shir Jaraa,id Muuse lagu difaacayo

0
319

Berbera(Ceelgardinews.com)Xisbil xaakimka ee Kulmiye ayay soo wajahday xaalad adag oo dhinacyo badan lehi ka dib markii Maalmihii ugu danbeeyay uu Gudoomiyaha xisbigaasi ahna musharaxa Madaxwayne ee xisbigaasi Muuse Buuxi hadalo deel qaaf ah oo ay dhibsdeen dadwaynaha Gobolkaasi Saaxil isla markaana ay u arkeen inuu aflgaado kula kacay Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi ku tiraabay,taasina ay keentay in Goobaha bulshadu ku kulanto lagaga dodo.
Sidoo kale cadhada ay dadwayanaha reer saaxil ay ka qaadeen hadalada kazoo yeedhay Muuse Biixi waxa keentay in ay jawaab ka bixiyaan Xisbiga Mucaaradka ah ee wadani,waxaana taasi bededlkeeda iyana isla shalay saxafada isugu yeedhay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka saaxil Mudane Halac dhegoole si uu dab damis ugu sameeyo cadhada iyo kacdoonka ay ka qaadeen reer Berbera hadalka ka yimi muuse Biixi waxaanu shir jaraaid ku qabtay xarunta xisbigaasi kulmiye,hadaba shirkaasi jaraa’id ee uu qabtay Gudoomiye halac oo uu ku talo galay inuu ka baxo dhamaan qaybaha kala duwan ee saxaafada ayaan sideedii u dhicin ka dib markii uu gudoomiye halac dhegoole waayay dhaqaalihii uu saxaafada siin lahaa,iyadoona xubno xukuumada gobolka u joogaa oo uu dhaqaalahaasi uu ku deberi lahaa ay diideen,wararka aanu ka helayno xubnahaasi ayaa sheegaya inay ka mid yihiin Xogahaya Degmada Berbera iyo Ku xigeenka Maareeyahaha dekeda ahna ku simaha Mareeyaha Mudane Cumar abokor jaamac,waxaanu xubnahaasi Gudoomiye Halac ka codsaday inay ka bixiyaan dhaqalaha yare ee uu iskaga deberi lahaa shirka Jaraaid ee uu Muuse Biixi ku danbabasayo,iyagoona xubnhaasi ku gacansaydhay una sheegay inaanay hayn lacag ay ku bixiyaan xisbiga kulmiye,taasina waxay sababtay in shirkaasi Jaraa,id ee Halac dhegoole uu ka bixiwaayo warbahinta marka laga reebo TV ga Kaybalka oo looga balan qaaday Xarunta dhexe ee Xisbiga Kulmiye.
Hadaba xaaladahaas iyo kuwa kale ayaa laga dheehanayaa awooda uu Xisbiga Kulmiye ku leeyahay Gobolka Saaxil.

Ahmed Muuse Maxamed

axmedmm9@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here