SAAMEYNTA DHAAQAALAHA EE KORONA FAYRAS

0
567

SAAMEYNTA DHAAQAALAHA EE KORONA FAYRAS

Berbera(Ceelgardinews.com) Baadhitaan ay sameeyeen khubaro dhinaca dhaqaalaha kana tirsan iskuulka ee London ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in 51% dunidu wajahayso hoos u dhac weyn sababta fiditaanka xanuunka korona fayraska awadeed. Waxa uu gaadhay ilaa hadda waa 147 dal.
IATA ( Ururka Caalamiga ah ee duulista Hawada) ayaa saadaalinaya in shirkadaha duullimaadyada ay ku dhici doonaan khasaare 11% boqolkiiba dakhliga rakaabka sanadkan , oo u dhiganta $ 63 bilyan. Taasi waxay ka soo baxday qiyaas hore oo ah $ 29.3 bilyan, oo ay soo saartay IATA bishii Feberaayo 20, taas oo salka ku haysay in saameynta dillaaca COVID-19 “ay inta badan ku koobnaan doonto suuqyada la xidhiidha Shiinaha”. Dhaqaalaha Shiinaha waa midka ugu dhaqsaha badan adduunka. wax soosaarka shiinaha oo hoose u dhacay 62bilyan. Hay’adda Lacagta Adduunka ayaa sheegtay inay “diyaar u tahay” inay adeegsato awooddeeda amaahda $ 1 tiriliyanka ah ee loogu talagalay in lagu caawiyo waddamada adduunka ee la halgamaya saameynta bina-aadamnimada iyo dhaqaalaha ee korona fayras-ka.
hay’adda ganacsiga iyo horumarinta ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay, in faafitaanka korona fayras ku kici karo dhaqaalaha adduun oo gaadhaya illaa $ 2 tiriliyan oo doolar sannadkan, iyagoo ka digaya in halista ka dhalan karta cudurkaas ay u horseedi doonto hoos u dhac ku yimaada waddamada qaarkood isla markaana ay hoos u dhigto kororka sanadlaha ah ee caalamiga ah oo ka hooseeya 2.5. Khasaaraha suuqa saamiyada ee adduunka ayaa kor u dhaafay $ 16 tiriliyan tan iyo markii uu sare u kacay bishii February cudurka korona fayraska.
Shiinaha waa wadanka ugu dhoofinta badan adduunka. dhaqaalaha adduunka marka loo eego dhaqaalaha Isku-dhafka Sanadkii 2017, Shiinuhu wuxuu dhoofiyay $ 2.41Tiriliyan, wuxuuna soo dajista $ 1.54Ttiriliyan, taas oo dhalisay isku dheelitir ganacsi oo togan oo ah $873bilyan Laga soo bilaabo March 2deedii, warshadaha diyaaradaha waxay la kulmi karaan khasaare dhan illaa $113 bilyan ilaa dhamaadka sanadkan 2020, Warshadaha diyaaradaha Shiinaha ayaa wajahaya khasaaraha $22 bilyan ee doollarka Mareykanka ah – tii ugu weyneyd taariikhdeedii 33 sano ah. Markii fayraska SARS uu ka dhacay Shiinaha, GDP-giisu wuxuu ahaa $ 1.6 tiriliyan. Maanta, GDP-ga Shiinaha wuxuu fadhiyaa qiyaastii $ 13 tiriliyan. shiinahu 17sano ka hor dhaqaalaha adduunka wuxu ka ahaa 5%,manta wuxuu ka badan yahay 16%.
Sannadkii 2018, Shiinuhu wuxuu ahaa wadanka ugu dhoofinta badan Mareykanka ee ay ka mid yihiin alaabooyinka mashiinnada korantada ($ 152 bilyan), mashiin kale ($ 117 bilyan), alaabta guryaha iyo gogosha jiifka ($ 35 bilyan), qalabka ciyaarta iyo qalabka isboortiga ($ 27 bilyan) iyo balaastig ($ 19 bilyan) oo dhan (350 bilyan )
Dalxiisayaasha Shiinaha waxay celcelis ahaan $ 762 qofkiiba ku iibsadeen adeegsiga safarradooda ugu dambeeyay ee dibedda ah, halka dalxiisayaasha aan ahayn Shiinaha ay celcelis ahaan gaarayaan $ 486, sida lagu sheegay sadanka 2017

Shiinaha ayaa 10.26 billion u qoondeyay la dagaallanka cudurka ‘korona fayras’ halka
Maraykanku u qoondeeyey 8.7biilion la dagaallanka cudurka coronarus (Aqalka Cad) wuxuu Dalbaday $ 1 tiriliyan oo Dhaqaale oo Lagu Kordhiyo Saamaynta korona fayras oo sidoo kale ay kujirto $ 50 bilyan oo loogu talagalay amaahda sugan ee warshadaha diyaaradaha, iyo 150bilyan oo ah damaanada amaahada dhaqaalaha.
Meelaha uu cudurka korona fayras saameeyey dhaqaale ahaan
• Suuqa warshadaha: oo ay ka mid yihiin macdanta, wax soo saarka, dhismaha, korontada, biyaha, iyo gaaska.
• Suuqa adeegyada: ganacsiga jumadda iyo tafaariiqda , hoteellada iyo maqaayadaha, Dalxiisayaasha iyo safarada , adeegyada shaqsiyadeed sida waxbarashada, daryeelka caafimaadka, iyo adeegyada guryaha.
• Suuqa beeraha: waxsoosaarka khudradda ,dalagyada iyo kaymaha,
Wax soo saarka xoolaha iyo kaluumeysiga
Waajibadka dawladnimo ee dhanka dhaqaalaha ee ku saabsan korona fayras
• U qoondayn miisaniyad gaar ah
• Caawinta gobolada si ba’an u saameeyey
• Gaadhsiinta taageero maalgashi ganacsada
• Waa in kor loo qaaddaa lacag siinta qoysaska
• Kaydka dawooyinka oo gaadhi kara sanad
• Kaydka raashinka oo gaadhi kara sanad isticmaalkii
• In aan kor loo qaadin qiimaha alaabaha suuqa yaala

Cabdicasiis Xasan Maxamed (ZIZI)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here