Sacuudiga Oo shaaciyay tirada Xujaayda sanadkan ku dhimatay Xajka (Akhri Imisaa Soomaali ah?)

0
302

Saaxil ( Ceelgardinews.com ) :Boqortooyada Sucuudiga ayaa shaacisay tirada dadka ku dhintay sanadkan gudashada waajibaadka xajka oo shalay lagu soo gebagebeeyey magaalooyinka barakeysan ee wadankaas.

Agaasimaha Waaxda Adeegga Dadweynaha ee Xajka Fahad Abuu Daalib ayaa sheegay in 47 Xaaji ay ku dhinteen Xajkii Sanadkan kuwaasoo intooda badan ahaa dad da’ ahaa.

Xujaajta geeriyootay ayaa u kala dhashay Wadanka Masar oo ay ka dhimatay 20 ruux, 6 ka mid ah dadka geeriyooday waa Ciraaqiyiin, Sudan afar Xaaji ayaa ka dhimatay, Algeria 3 xaaji ayaa kaga geeriyootay, halka Morocco, Somalia, Tunisia, iyo Siiriya min labo Xaaji ay ka geeriyoodeen, iyadoo Falastiin, Jordan iyo Liibiyana ay ka dhinteen min 1 Xaaji.

Fahad Abuu Daalib ayaa sheegay in marka laga reebo dadka Shiicada ah inta kale ay dalbadeen in lagu aaso Sucuudiga dadka ku dhintay Xajka.

Meydadka Lixda Xaaji ee u dhashay Ciraaq oo ka soo jeeda dadka Shiicada ah ayey ehelladooda dalbadeen in dalkooda dib loogu celiyo.

Abuu Daalib ayaa sheegay in Meydadka Xujeyda dhimatay ay ku jiri doonaan qaboojiyeyaasha illaa inta uu ka dhamaanayo Xajka, waxaana uu sheegay in Ka dib lagu aasayo magaalada Maka.

Dowlada Sacuudiga ayaa qaaday talaabooyin lagu xaqiijinayo badqabka xujaajta taasoo yareysay sanadkan dhimashada ka dib markii xajkii sanadkii hore ay ku dhinteen boqolaal Xaaji oo ku neef qabatimay isbuurasho ka dhacday halka loo yaqaano Jamaraatka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here