Sambalooshe: Gobolka Hiiraan waa agoon, cid danihiisa wax iska weydiinaysa ma jirto

0
233
Taliyihii hore ee nabad sugida Soomaaliya ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali Sambalooshe oo kamid ah ka qeyb galayaasha shirka Heritage ee ka socda magaaalda Garowe, ayaa ugu baaqay madaxda shirka ka qeyb galaysa in fiiro gaar ah loo yeesho waxa ka socda gobolka Hiiraan.

Sambaloosha ayaa sheegay in gobolka Hiiraan uu yahay gobol la iska hilmaamay oo aan mar walba lagusoo hadal qaadin doodaha la xiriira arrimaha cakiran ee ka jira Soomaaliya, isagoo ku sifeeyay gobol agoon ah.email sharing button

 

“Madaxda dowlad goboleedyada, murashixiinta iyo siyaasiyiinta aan anigu ugu horeeyo waxaan ka hadalnaa Gedo oo kaliya, waxaan lasoo hadal qaadin oo mar walba agoon ah waa gobolka Hiiraan,” ayuu yiri siyaasi Sambalooshe.

Sambalooshe ayaa ku baaqay bayaanka kasoo bixidoona shirka Heritage oo maanta lasoo gabagabaynayo in lagusoo daro xaaladda ka jirta gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here