(SAWIRO+ VIDEO) BIYO SOO ROGMADAY OO 23 QOF KU DILAY JIGJIGA

0
311

Jigjiga (Ceelgardinews.com)   Warbaahinta dalka Itoobiya ayaa sheegtay in ugu yaraan 28 qof ay ku dhinteen magaalada caasimada Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Jigjiga, ka dib markii toga mara magaalada Jigjiga uu fataay, taas oo ugu wacan tahay roobab xoogaan oo maalmihii la soo dhaafay ka da’ay deegaankaas.

DDSI-Jigjiga-flood2
Hadaba Wasiirka Xafiiska Kahortaga Masiibooyinka mudane Maxamed Daahir oo kahadlay saamayntii biyaha toga ayaa sheegay in dad tiradoodu dhan tahay  23 qof ay dhimatay islamarkaana 15 kamid ah maydkooda lahayo meesha 8 kamida laraadinayo maydkooda wuxuuna tacsi tiiraanyo leh udiray eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen.

DDSI-Jigjiga-floodDDSI-Jigjiga-flood4

 

Sidoo kale, wuxuu xusay wasiirku in 84 qof ay dhaawac yihiin islamarkaana lagu baxnaaniyo hospitaalka karamardha. wuxuuna  intaa kudaray in biyuhu ay qaadeen 262 qoys, 5gaadhi, iyo waliba dhibaato ay ugaysteen Dugsiga sare ee sheikh cabdi salaam iyo dusiga hoose dhaxe ee xuseen giire.

DDSI-Jigjiga-flood3
Dhinaca kale, wuxuu masuulku sheegay in ciidamada gaarka ah ee liyuu boolis ay badbaadiyeen 1,226 qoys islamarkaana ay kudhaawacmeen 14 kamida saraakiisha ciidanka kuwaasoo kamid ahaa ciidamadii gurmadka ahaa  ee badbaadinayay shacabka.
Sikastaba ha ahaatee wasiirka ayaa xusay in masiibadan loo xilsaaray gudi sare oo latacaalaya dadkii uu saamayeey. waxaa kale  oo ay xukuumadu qorshynaysaa sidii xal loogu heli lahaa togan magaalada dhaxmara si uunan mardanbe khasaare ugaysanin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here