Shan Dhalinyaro ah Oo Maalintii Tobnaad Ugu xidhan Saldhiga Dhexe Ee Hargeysa Fikirkooda Ay Cabireen iyo Xadhigooda Oo Loo Sibir Saarayo Wakiilka Imaaraadka Carabta Ee Somaliland

0
364

(Ceelgardinews.com) -Afar kamid ah Dhalinyarada Ururka Muwaafaqo,ee kasoo jeeda Gobolka Saaxil iyo Afhayeenkii Ururka dhalinyarada Xisbiga Wadani Maxamed Sadiiq ayaa habeenkii tobnaad ugu xabisan Saldhiga Dhexe ee Caasimada Hargeysa afkaar ay ka bixiyeen aragtida rayigooda ee heshiiska Shirkada DP-World loogu sexeexay Marsada ugu weyn Somaliland ee Berbera arintan oo falanqaheeda iyo foodhimaha fikirka laga qabo qorshahaasi Wareejinta DP-World ee dekeddu uu mudo badan dhex fooreynayey inta ugu badan ee Rayulcaamka Bulshada Somaliland,waxa loo maaro iyo caalba waayey halka uu ka seeto adkaadey Xadhiga dhalinayaradan aqoonyahanka ah kadib markii ay xeerbeegti xulafo iyo Xisbiyaba u xusul duubeen sidii Xoriyadooda loogu soo celin lahaa.
Guud ahaanaba Bulshada Somaliland ee guda iyo dibadba kunool ayaa siweyn ulafa gurey Xadhiga Xubnahan dhalinyarada ah ee
kasoo jeeda Gobolka Saaxil dhamaantood,waxaana geed sare iyo mid gaabanba loo fuuley asbaabaha ay uga duwanaadeen islamarkaana, fikirkoodu bartilmaameedka ugu noqdey Xukuumada taas, oo Sheekh iyo shariifba codsiyo iyo baaqyo kala duwan loogu gudbiyay in Xoriyadooda loo soo celiyo oo aan sigaar ah loo cadaadin,dhalinyaradan tobanka caanamaal tirsanaya Xadhiga aan wali xeer iyo xaagan lagu marinin islamarkaana, lagu horgeynin Maxkamada.
13413751_905979449531390_7961280375103945359_n

Geesta kale sikasta oo uu yahey xadhiga dhalinyaradani Muwaafaqo ee Gobolka Saaxil kasoo jeeda waxa la isku wada raacsan yahey in xadhigoodu aanu ka sokeynin Madaxtooyada walow dad badan oo Reer Saaxil ahi markii hore u tuhunsanaayeen in Guulwadayaashii Gobolku taxaabeen hadana waxey ka fursad weyday in Xadhigooda loo sibirsaarey marka laga tago Madaxtooyada oo wajiyo badan Wakiilka Dawlada Imaaraadka Carabta wakhti xaadirkan u qaabilsan Somaliland Baashe Cawil, oo ay isaga sigaar ah laf dhuungashey ku noqdey hadalka iyo fikirka falanqaha ah ee Dhalinyaradani ka dhiibteen mid kamid ah halbawlayaashii Qaranka Somaliland khusuusana Gobolkii ay kasoo jeedeen oo ay xaq iyo xuquuq u leeyihiin in ay cabiraan ka hadlaan sida ay taheyna wax uga sheegaan.
Gabagabadii dad badan oo kasoo jeeda Gobolka Saaxil ayey luqmatal-xajar kunoqotey sida loogala hadli karo in aanu xaq u laheyn Wakiilka Imaaraadka Carabtu xadhiga iyo haysashada dhalinyaradan, iyo waliba wadada loo mari lahaa hadii xal looga raadiyo xaqdarada lagu haysto iyo waliba sida looga dabaalan karo wajiyada badan.

Xigasho Hadhwanaagnews.com

Cabdiraxmaan-hiiraan hadhwanaagnews
Email:hiiraan2007@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here