SHAQALAYSIINTA DPW”

0
594

SHAQALAYSIINTA DPW”

Wiigi hore waxa si wada jir ah xal looga gaadhay cabashadii shaqaalaha muruqmaalka ahaa ee ka cabanayay shirkado ay sheegeen inay u dhexeeyaan shirkada dhisaysa Dekeda. Ugu dambayna Wasaarada shaqo gelinta, Maamulka Gobalka & Degmada Iyo shirkadda dhisaysa Dekeda ayaa islagartay in shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha aan loo dhaxayn si wada jira ayay bulshada gobolka saaxil ugu sacab tumeen go’aanka ka farxiyey shaqaalaha muruqmaalka ah.

Waxase jira oo u baahan iyana in waxlaga qabto cabasho isa soo taraysa oo ka jirta nidaamka shaqaalaysiinta shirkada DPW ee gacanta ku haysa dekeda Berbera, arday baddan oo ka baxay jaamacadaha Berbera oo intership-ahaan ku joogay muddo ku dhawaad sanad ah ayaa jira, ardaydaa badankoodu waxay ka baxeen jaamacadda culuunta badda lagu barto oo ah jamaacadda keliya ee dawliga ah ee Berbera ku taala. Dhallinyaradaasi mudadii ay ku jireen carbiska shaqaalanimo waxa si rasmiya loo shaqaaleeyey tiro baddan oo dhallinyara oo qaar laga keenay gobolada kale qaarna ay dhabartaabasho ahaayeen, dhallinyaradii magaalada ee jaamcadda Berbera ka baxayna ay mudadaas sanad ku dhawaadka ah ay shaqo sugayaal ku yihiin Dekeda Berbera,dhallinyaradaasi waxay mudadaa sanadka ah u samrayeen inay shaqaale rasmiya noqdaan iyagoo buuxiyey dhammaan shuruudaha shaqaalanimo ee shirkada DPW, waxayse ay maalin walba dekeda ugu yimaadan shaqaale cusub iyo kuwo ka dambeeyey oo la shaqaaleeyey.

Cadaaladu ha sarayso.
Mohamoud M.Jama
Berbera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here