SHARCIGA IN UU SHAQEEYO AYAA FIICAN BURCNA WAXAY KA MID TAHAY SOMALILAND (CALI GURAY )

0
287

sida lawada ogyahay mar ay bilaysku is hortaagee in xisbiyada mucaaridka loo diiday in ay hargaysa ku qabsadaan xaflado ayaa maxkamada sare loo gudbiyay dacwad ka dhan ah bilayska iyo xukuumada kadib waxa qaraar soo saaray maxkamada sare taas oo nuxkeedu ahaa in xisbiyadu xaq u leeyihiin in ay xafladooda ku qabsankaraan hudheelada iyo xafiisyadooda bilayskana amar lagu siiyay in aanay is hortaagin
waqtigaa wixii kadanbeeyay may dhicin in badhisaabada dalka iyo madaxda qaranka ay is hortaagaan xafalada mucaaridka ah waanay ku mahadsanyihiin

hadaba waxa xalay oo bishu ahayd 22/1/2017 waraaq geeyay huteelada burco badhisaabka gobolka togdheer maxamuud cali saleebaan(ramaax) taas oo uu amar ku siinayo in aan xaflad lagu qaban kari huteelada iyada oo uu ula jeedo xaflad xisbiga wadani uu ku qabsan lahaa huteel ka mida kuwa burco isaga oo aan wax digniina siin xiniyada

waxuu jebiyay qaraarkii maxkamda sare ay hore arintaa uga gaadhay iyadoo la wada ogyahay markii la soo dhawaynayay jamaal cali xuseen uu ramaax ahaa ninka horbooday soo dhawayntaa isaga iyo madaxda kale ee berbera iyo burco waxa la og yahay in dawladu cabidhisy shirkii beesha saaxil tana beesha waqooyiga burco oo isla beeshaa aan soo sheegay ka soo jeeda ayaa ku biiraysay xisbiga wadani sidaa ayaa loogu sii kodhinaayay canudhintii xukuumada kulmiye ay ku haysay gobolka saaxil iyo dadka ku abtirsada iyadoo looadeegsado qaar kasoo jeed beeshaa aan soo sheegay waxan gaadhsiin doonaa maxkamadii hore qaraar uga gaadhay arintan waan ku kalsoonahay maxkamada sida ay ninkan jebiyay goaankaa ay talaabo uga qaado wabilaahi tawfiiq ali osman hussein ali guray burco