Shilalka gaaddiidka ayaa noqday dhibaatooyin taagan oo aan xal lahayn iyo isticmaalka Telefoonada oo sabab u noqda. Xal iyo tallooyinba.

0
358

Shilalka gaaddiidka ayaa noqday dhibaatooyin taagan oo aan xal lahayn iyo isticmaalka Telefoonada oo sabab u noqda.
Xal iyo tallooyinba.

Shilalka gaadiidka ayaa noqday dhibaatada ugu balaadhan ee maanta dalka ka jirta taas oo aanney ciddina xal u raadin ama aanney kaba doodin, dhimashada iyo dhaawaca ayaa ah mid maalinkasta taagan taas oo aanney dawlad ama cidkalaba diyaar u ahayn inay ka hor tagto.

Sida ay sheegtay wakaalada Association for Safe International travel road waxa sanadkii caalamkii ku dhinta shil gaadhi 1.3 malyan oo qof. Markaa maalintii waxa shil gaadhi ku dhinta 3,287 qof.
Waxaana dhaawacma ama curyaama sanadkii 20-50 malyan oo qof bal innagana sanadkii, imisaa ku dhintay ama ku dhaawacma shil gaadhi taas cidday qusayso ayaannu ka sugaynaa!.

inta badan sababaha keena shilalka gaadiidka ayaa waxa u sababa isticmaalka mobilka, iyo deg-dega sidoo kale waxa sababa waddista ay waddaan caruurta aan qaan-gaadhka ahayni ama aan shuruucda waddo-marista aan aqoon.

Ilaa maalintii gaadiidku bilaabmay waxa iyanna bilaabmay shilalka gaadiidka ee joogtada ah, taas oo ay sababeen waddo xumo, Darawal xumo, iyo aqoon la’aan ka haysata waddista gaadiidka iyo sharciyadda waddooyinka.
Imisa ayuu agoomeeyay ama uu rajo ka dhigay oo maanta hooyo iyo aabbo la-aan nool, imisa ayuu laxaad tiray oo shaqo iyo mustaqbal tiray taasi waa mid aynu wada ognahay oo aynaan xal u raadin.
Shilalka gaadiidku waa aafo qaran oo dadkeennii iyo hantideennii baabiiyay taas oo aanay dawlada iyo xisbiyadduba aanay ku darsan qorshahooda mustaqbal waanna ayaan- darro wayn haddii laga waayo xisbiyadda qaranka qorshe ka dhan ah shilalka gaadiidka oo saacadkasta dhaca.
Markasta oo gaaddiidku bato waa markasta oo shilku bato taanna ogaada “Rakad”.

Maalinkasta iyo meelkasta waxa ka socda shilalka gaadiidka ee kala duwan, maalinta waxa dhaca dhimasho, dhaawac iyo baaba’a maaliyaddeed.

Waxa kordhay oo xadka ka baxay gaadiidka kala duwan ee dalka ka soo dega, waxa kordhay oo xadka ka baxay gaadiidka yar-yar ee raaxada ee maalinkasta la soo iibsado iyadoon loo baahnayn, waxa yaraaday ciidamadaa nabad galyadda waddooyinka, waxa kaloo yaraaday waddooyinka la maro oo aan u dhisnayn qaabka badbaadada gaadiidka iyo dadkaba.
Waxa kala batay gaadiidkii, waddooyinkii, ciidamaddii iyo waddista ay cidkastaa waddayso.

Sabaha keenna shilalka gaadiidka:-
Sababo badanbaa keenna shilalka, waana jabinta sharciyada waddo-marista sida ;

1.Darawal xumo
2.Aqoon la’aanta waddooyinka
3.Waddo xumo
4.Cunista cunooyinka iyo cabista kala duwan
5.Sheekada dareenka iyo xusuusta leh
6.Eegista hareeraha saacadaha waddista
7.Qaadirada iyo soojeedka
8.Xawaare xad dhaaf ah oo ka badan 80Km
9mGaadhiga oo ciladaysan oo aad kaxaysid
10.Taayirada gaadhiga oo dhammaaday ama dhiman oo safar gashid.
11.Da’a yar oo aad ku kaxaysid
12.Telefoonada oo la isticmaalo saacadaha waddista.
13. Gaadhi bilaa bireega oo aaad kaxaysid.
14. Qamri ama daroogo aad isticmaashay
15. Dhaafista deg-dega ah
16. Aqoon la’aanta waddooyinka
17. Gaadhi xun ood kaxaysay
18. Digniin la’aan
19. Ganaax la,aan
20. Hawl-gal la,aan.

Xalka lagaga hortagi karo shilalka gaadiidka
Xalka aan hayaa waa inaad u hoggaansantid sharciyada waddo marista iyo kuwan hoose;-

1. Aqoonta waddista gaadiidka oo la yeesho
2. Xawaaare hoose oo aad ku socotid.
3. Sheekada iyo isticmaalka mobilka oo la joojiyo.
4. Cunista iyo cabbista oo mamnuuc ah.
4. Gaadhiga oo la hubiyo subaxkasta iyo markasta oo safar la galayo sida biyaha, saliida iyo taayirada iyo dhammaan wareegiisa oo dhan.
5. Ciidamada taraafikadda oo la tababaro, la kordhiyo, qalabna la siiyo.
5. Wacyi-galin ka dhana shilalka gaadiidka oo shacabka la siiyo.
6. In la sameeyo da’da lagu wadi karo gaadhi ciddi ka yarna la ganaaxo.
7. In ciddii lagu arko isticmaalka mobilka ama ku hadalka la ganaaxo.
8. Deg-dega iyo iswaydaarka oo la joojiyo
10. Fahanka shuruucda waddooyinka
11. Waddooyinka oo la fahmo
12. Calaamadaha waddooyinka oo la badiyo lana barto laguna dhaqmo.
13. Dadka oo taladooda la qaato
14. Shirwayne ka dhan ah shilalka gaadiidka.
15. Filimo iyo documentary la laga sammeeyo shilalka gaadiidka.
15. Haayada ka hortaga shilalka gaadiidka oo la abuuro.
16. Xarumo waaweyn iyo ciidamo badan oo la hawl-galiyo.
17. Dalka oo laga sammeeyo maalinta shilalka soomaalilaand laguna xuso dadkii ku dhintay.
18. Dadkii shilalka ku dhintay ama ku dhaawacmay oo la diiwaan-galiyo.
19. Haddii ay hurdo ku hayso ha kaxayn gaadhi.
20.Waddooyinka oo la dhiso waliba kuwa magaalooyinka iyo gobolada taga.

F.G: Akhriya, qiimeeya oo fuliya.

Shilalka gaadiidku waa dhibbaato xal u baahan.
Shilalka gaadiidku waa dhimashada iyo dhaawaca oo bata, dadka oo naafo u batta.

Rakad Mxd Sultan
Dhiiri-gali dadkaaga
Berbera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here