Shirka amniga degmada Burco oo uu guddoominayey Duqa Degmadda Burco, Mudane Mustafe Maxamed Muuse (Calas),ayaa waxa ka qayb galay taliyeyaasha saldhigyada, rugaha iyo laamaha kala duwan ee Ciidanka Booliska ee Degmadda Burco

0
55
Shirka amniga degmada Burco oo uu guddoominayey Duqa Degmadda Burco, Mudane Mustafe Maxamed Muuse (Calas),ayaa waxa ka qayb galay taliyeyaasha saldhigyada, rugaha iyo laamaha kala duwan ee Ciidanka Booliska ee Degmadda Burco.
Kulanka waxa lagu falanqeeyey xaaladda amniga ee toddobaadkii tagay, dhibaatooyinka soo kordhay, iyo sidii loo xoojin lahaa dardar-gelinta hawlaha amniga, isla markaana loo adkayn lahaa wada-shaqaynta iyo iskaashiga ka dhexeeya laamaha amniga iyo maamulka Degmadda.
Sidoo kale, waxa si gaar ah diiradda loo saaray kor u qaadidda wacyigelinta qaadashada kaadhka dhalashada iyo hubinta aqoonsiga muwaadiniinta.
Ugu dambayn, waxa la isla qaatay in la dardar-geliyo hawlaha amniga Degmadda, lana xoojiyo isgaadhsiinta iyo kala-warqaadashada u dhexeysa Ciidanka Booliska iyo masuuliyiinta Degmadda Burco.