Shirkada Somtel Bakhiyaa nasibki bulshada u waday ma xaglin ayuu isu bedley

0
919

Berbera (Ceelgardinewscom ) –
Shirkada isgaadhsiinta somtel waxay ka weecatay hanaanki iyo nidaamki ay u waday bakhtiyaa nasiibka ay sinaysay macamisheeda ee ku salaysnaa inay macashki ay heshay macamishooda ku soo celinayso wax ka mid ah siday maamulka shirkadaasi hore inoogu shegeen
Waxana so baxday isniintii shalay Ee ku taariikhaysnayd 31.8.2020 in Habki iyo hanaankii uu ku bilaamay bakhtiyaa nasiibkaasi macamiishu ku guulayso madow iyo mugdi badani galay oo qaab hore wax ka duwani soo baxeen . iyadoo ku beegnayd maalintii la bixin jiray hadyada ugu qaalisan ee ah gaadhiga Hadyadai wararka soo baxaya ayaa sheegaya in si gaara gaadhigii 4aad ee shirkaadasi bixinaysay kooto loogu xidhay number somtel ee laga qaatay gobolka togdheer si qof reer togdheer ahi u helo gaadhigaasi waxaana madmowgaasi keenay ka dib markii magaalada burco lagu qabtay xaflada gaadhigaasi nasiib lagu helaayo oo Server-kii Wareejinayay nasiibkaasi la geeyay burco oo sida waraku tibaxayaa lagu program –miyay numbers -ka laga qaatay gobolka togdheer ,si qof reer togdheer ahi u helo gaadhigan .
intii bakhtiyaa nasiibkani socday shirkada somtel waxay Hargeysa ka baxday oo tagtay nasiibkana ku qabatay gobolka Awdal sababtaasi oo maamulka shirkada somtel ku shegen in gaadhigii labaad Hyundai ah qof reer Awdal ah oo ku sugan Boorame helay gaadhiga loo gaynayo isgoo zero kilo mitir ah ,madaama maamulka shirkadu halkaasi tagayaana maalinta lagu qabto nasiibka Boorame waxaana xusid mudan inaan maalinta nasiibka aanu ku jirin gaadhi lagu tartamayaa oo hadyadaha kale oo lagu tartamaayay . waxa xaquuqiyaadkoodi meel laga dhacay inta madax mow ee bari ilaa galbeed ku sugan ee macamiil u ah somtel mar kaliyana laguma wargalinin in wax laga bedelay nidaamkii hore wax u bilameen
gabogabdii
Arinta is waydiinta mudan ayaa ah hadii gobolada ay u cadaalad samaynayaan oo kolba gobol tegayaan maxay gobolka saaxil magaalo madaxdiisa u dhafeen iyagoo maamulka shirkadu ka yimid hargeysa maalintii ugu qaalisnayd hadyadaha somtel bixiso oo la helayay gaadhiga Hadyadai shirkadu bixiso .,maamulka shirkada somtel xaq ayaa loogu lee yahay wixii dareen ah ee soo baxa inay bulshada reer Somaliland uga jawabaan hadii Aan kala jeclaysi jirin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here